Heemaal News Network
somali

Heshiis Hor-dhac ah Oo Laga Gaaray Shirka Afisiyooni Ee Madaxda Somaliya.

Warar lagu kalsoonaan karo oon ka helnay ilo ku dhaw dhaw Shirka ka socda teendhada Afisiyooni ee u dhaxeeya Madaxda dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa ku waramaya in qodobadii la isku hayay qaarkood la isku afgartay.

Qodobada ay isku afgarteen madaxda ku shirsan teendhada Afisiyooni ayaa waxaa kamid ah furitaanka shirka soo socda ay isugu imaanayaan madaxda DF iyo kuwa maamulada kasoo qeyb galaan Gudoonka labada aqal, madaxweynayaashii hore ee iyo siyaasiyiin kale.

Sida aan xogta ku helnay qodobkan hada is fahamka laga gaaray ayaa waxaa ada ugu dhegnaa madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland kuwaa oo horey u dalbaday shirka soo socda inta hada laga balaariyo.

Heshiiskan horu dhaca ah ay gaareen madaxda ku shirsan teendhada Afisiyooni ayaa kusoo aadaya xili wakiilada beesha caalamka ugu baaqeen kuna cadaadiyeen madaxda shirsan in ay isku tanaasulaan ayna gaaraan heshiis.

Related posts

Caaqil ay Walaalo Yihiin Faysal Ali Waraabe Oo Weeraray Xildhibaano ka Tirsan Golaha Wakiilada.

Heemaall

Musharax Prof. Abokor Siciid Oo Ka Dayriyay Xaalada Abaarta Ee Awdal Ka Jirta

Heemaall

Beesha Caalamka Oo Mar kale Fariin Cad U Dirtay Madaxda Dawlada iyo Kuwa Maamulada.(Akhriso)

Heemaall