Heemaal News Network
somali

Heshiis Laga Gaaray Colaadii Somalida Iyo Canfarta Itoobiya.

Waxaa Magaalada Addis Ababa ee Xarunta dalka Itoobiya lagu soo geba-gebeeyay kulan lagu wada hadashiinayo Canfarta iyo Soomaalida, kulankaas oo diiradda lagu saaray colaadda soo noqnoqotay ee u dhaxaysa labada dhinac iyo sidii xal waara looga gaari lahaa colaaddaasi.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa madax ka socota dowladda federaalka Itoobiya, Odayaasha Dhaqanka labada dhinac ee Soomaalida iyo Canfarta, kuwaas oo dadaal ku bixinayay sidi xal loo gaari lahaa.

Fowzi Maxamed Cari, oo ka mid ahaa dadkii ka qeyb galay shika ayaa sheegay in guul laga gaaray shirka, isla markaana uu rajeynayo in qodobada heshiis la dhaqan geliyo si nabad loogu wada noolaado.

Dhowr jeer oo hore ayaa waxaa Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya lagu qabtay shir lagu heshiisiinayay Soomaalida iyo Canfarta, balse dagaalada ay markale dib u soo cusboonaadeen.

Related posts

Taliban Oo Balan-qaad U Sameysay Dadkii la Shaqeeyey Ciidanka ka Baxaya Afghanistan.

Heemaall

Xijaar Oo Looga Yeedhay Safaarada Maraykanka Fariina La Faray

Heemaal

Xildhibaan Barkhad Batuun Oo soo Jeediyay In la Ansixiyo Xeer Tir-Tiraya Takoorka.

Heemaall