Heemaal News Network
somali

Heshiis Laga Gaaray Iibinta Kooxda Kubada Cagta Ee Chelsea

Chelsea ayaa ogolaatay in $5.2 bilyan oo doollar ay kooxda uga iibiso naadiga uu hogaamiyo Todd Boehly, oo ah mulkiilaha kooxda kubbadda koleyga ee LA Dodgers.

Iibinta kooxda ayaa la shaaciyay ka hor inta aan la ganaaxin mulkiilaha kooxda Roman Abramovich kadib markii lagu eedeeyay in uu xiriir la sameeyay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ka dib duulaankii Ukraine.

Abramovich ayaa kooxda Chelsea waxa uu 2003 ku iibsaday £140m, waxa uuna sheegayaa in go’aanka uu kooxda ku iibsaday “aanay la xiriirin ganacsi ama lacag, balse ay aheyd jaceyl uu u qabay ciyaaraha iyo kooxdaba”.

Warbixin ay soo saartay Chelsea ayaa lagu sheegay in milkiilayaasha cusub ay ku bixin doonaan 2.5 bilyan oo gini saamiga kooxda.

Dakhliga ka soo baxa kooxda ayaa la sheegay in la gelin doono arrimaha la xirriira samafalka.

Maalgashadayaasha kale waxaa ka mid ah bilyaneer reer Mareykan oo la yirahdo Mark Walter, oo ay sidoo kale kooxda ay si wadajir ah u maamuli doonaan bilyaneerka kale ee u dhashay Switzerland, Hansjoerg Wyss.

Related posts

Salaadiinta Awdal Oo ka Hadlay Xaalka Itoobiya Iyo Qaxooti soo Buux-dhaafiyay Borama

Heemaall

Ahlu Sunna Oo Dib Ucelisay Gaadiid Dagaal Oo Ay ka Qabsadeen Ciidanka Dowlada.(Sawiro)

Heemaall

Beel Qado Sharafeed ku Maamuustay Suldaanka Cusub Ee Suldaan Samater.

Heemaall