Heemaal News Network

War Laga soo Saaray Shaqaale ka Tirsan Heyada IRC Oo Lagu Dilay Gobolka Tigray Ee Dalka Itoobiya.

Heyadda Caalamiga ah ee Badbaadinta (IRC) ayaa ku dhawaaqay dhimashada mid ka mid ah shaqaalaheeda oo lagu dilay gudaha xero qaxooti oo ku taalla Itoobiya.

“Isgaarsiinta deegaanka aad ayay u adag tahay welina waxaan ka shaqeyneynaa xaqiijinta iyo helidda warbixinnada,” ayey tiri IRC oo War saxaafadeed soo saartay.

Qofkan ka tirsan shaqaalaha gargaarka ayaa markii la dilayay ka shaqeynayay xerada qaxootiga Hitsats ee deegaanka Shire oo ka tirsan gobolka Tigray.

Dagaalka ka socda gobolka Tigray ee Itoobiya ee u dhaxeeya ciidamada federaalka iyo kuwa gobolka ayaa ku qasbay kumannaan qof inay qaxaan.

Dhinaca kale, Xukuumadda Itoobiya ayaa sheegtay inay kolonyo baabuur ah oo cunto sida u dirtay magaalo madaxda gobolka Tigray ee maamulkiisii talada laga tuuray.

Xafiiska Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed ayaa sheegay in 30 baabuur oo kuwa xamuulka ah oo sida 12,500 kiish oo midkiiba 100 Kiiloo yahay ay gaadheen magaalada Mekelle, sidoo kalena ay waddada ku sii jiraan 7,000 oo kiish oo daqiiq ah.

Saddex baabuur oo kale oo sida dawooyin ayaa la filayaa in ay iyaguna gaadhaan magaaladaas waxaana la qaybin doonaa Sabtida, sida lagu sheegay warbxinta.

Related posts

Toddoba Dil Oo Kala Duwan Oo Maanta Ka Dhacay Muqdisho

Heemaal

Taliska Howlgalka Amisom Oo ka Shiray Ammaanka Doorashooyinka Dalka Somaliya

Heemaall

Banaanbax Rasasaas La Isku Adeegsanayo Oo Ka Socda Magaalada Baladweyn

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More