Heemaal News Network
somali

Hiiraan: Heshiis La Dhex-dhigay Beelo Dagaalamay

Kulan lagu xalinayo colaad beeleed ka dhacay gobolka Hiiraan ayaa hadda ka socda magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, waxaana garwadeyn ka ah wefdi uu hor kacayo wasiir ku xigeenka gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cabdifitaax Qaasim.

Kulanka oo lagu qabtay xarunta maamulka gobolka ayaa waxaa la isugu keenay odayaasha dhinacyada colaadda dhex martay, iyadoo ay goobjoog ka yihiin maamulka gobolka Hiiraan iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Hirshabeele.

Wariyaha warbaahinta qaranka ugu soo warama gobolka Hiiraan, Cabdi Shakuur Cismaan Cali, oo kulanka jooga ayaa soo sheegaya in niyad sami ay ka muuqato dhinacyada isla markaana kulanka laga filayo in go’aan laga soo saaro.

Related posts

Kooxaha kubada Cagta Ee Buuhoodle iyo Awdal Oo Ciyaar Adag ku Dhexmartay Borama.

Heemaall

Raggii Dilay Jamal Khashoggi Oo la Ogaaday in Lagu Tababaray Mareykanka.

Heemaall

Dayaarad Ku Burburtay Ruushka

Heemaal