Hirshabeelle Oo Safiirka Ingiriiska Somaliya kala Hadashay Doorashada Maamulkaasi.

Wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa waxa uu la kulmay danjiraha dowladda Ingriiska u fadhiya magaalada Muqdisho Amb. Ben Fender waxayna ka wada hadleen xaaladda siyaasadda maamulkaas, oo dhowaan galaya doorasho.

Labadan mas’uul ayaa isla soo qaaday hannaanka diyaar garowga doorashada iyo in Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ay ka go’antahay doorasho si buuxda maamulkaas uga dhacda oo daah-furan.

Dhinaca safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Ben Fender ayaa sheegay inuu aad usoo dhoweynayo doorasho ka dhacda Hirshabeelle, maamulkana ay arrintaas garab ku siin doonaan.

Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa lagu wadaa in dhowaan lagu qabto soo xulustii Baarlamankii labaad ee maamulkaas, waxaana kadib la dooran doonaa madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Hase-ahaatee doorashada Hirshabeelle ee lagu wado iney dhowaan dhacdo ayaa kusoo aadeysa, xilli guud ahaan Soomaaliya loo diyaar garoobayo doorashadii dalka.

Related posts

Zidan Oo Ku Goodiyey In Cinqaab Intan Ka Badan Marsiin Karayey Bacelona

Heemaal

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy