Heemaal News Network
somali

Hirshabeelle Oo Shaacisay Ineysan ka Qayb-galaynin Shirka Maanta ka Furmaya Muqdisho.

Maamulka Hirshabeelle ayaa ku dhawaaqay inaysan qeyb ka heyn shirka lagu wado inuu maanta Muqdisho uga furmo golaha wadatashiga qaranka, kaasoo uu iclaamiyay Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya.

War qoraal ah oo kasoo baxay Hirshabeelle ayaa lagu shaaciyay in waxii kasoo baxa shirka wadatashiga qaran aysan quseynin maamulka Hirshabeelle, balse aay dhowri doonaan fulinta heshiiskii17-kii September iyo kii 27-kii May lagu saxiixay magaalada Muqdisho.

Warkan kasoo baxay Hirshabeelle ayaa imaanaya iyadoo maanta lagu wado inuu furmo shirka madasha qaran oo aay diyaar u yihiin ka qeybgalkiisa madaxweynayaasha Jubbaland, Koofur Galbeed, Galmudug, Puntland, iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle ayaa ku maqan dalka Turkiga dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay, lama oga waxa aay ka badali karto mowqifka shirka madasha qaran diidmada Hirshabeelle ee ah ineysan qeyb ka aheyn shirka wixii kasoo baxana aysan quseynin.

Halkan ka akhriso Qoraalka kasoo baxay maamulka Hirshabeelle.

Dowladda Hirshabeelle waxay cadeyneysaa inaysan qeyb ka ahayn shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Maamulka Gobolka Banaadir berri uga furmaya Magaalada Muqdisho.

Dowladda Hirshabeelle maadaama aysan talo ku lahayn qabsoomida shirka, wixii kasoo baxa ma noqon doonaan wax quseeya Dowladda Hirshabeelle.

Ugu dambeyn Hirshabeelle waxa ay dhowri doontaa fulinta Heshiiskii 17dii September iyo kii 27dii May ee lagu saxiixay Magaalada Muqdisho.

Related posts

Jabuuti Oo Ka Jawaabtay Eedayntii Soomaliya

Heemaal

Booliska Kenya Oo Toogtay Laba Nin Oo Dhac U Geystay Haweeney Somali ah.

Heemaall

Hargaysa:-Macalin Sheegay In Weerar Lagu Dili Rabay Lagu soo Qaaday Iyo Sababta Keentay.

Heemaall