Heemaal News Network
somali

Hirshabeelle Oo Xabad Joojin Dhex-dhigay Beelo ku Dagaalamayay Baledweyne

Kusimaha madaxweynaha ahna madaxweyne kuxigeenka dowaldda hir-shabeelle mudane Yuusuf Axmed Hagar dabageed oo saaki kubaxay deganaada dabeeyl iyo baladu-amin ayaa ku guuleeystay inu xabad joojin hordhac ah kala dhex dhigo laba beelood oo labadii maalmood ugu dambeeysay ku dagaalmayay duleedka galbeed Baladweyne.

Madaxweyneha oo la kulmay odayaasha dhincyada ayey ka aqabaleen xabad joojin aydoo dib loogu wadahadli doona wixii sababay dagaalka gacan ka hadalka keenay.

Ugu yaraan 6 ruux oo labada dhan ah ayaa ku geeriyootay 15 kabadan waa ku dhawacameen dagaaladan labadii cishee la soo dhaafay kasocodo duleedka baladweyne aydoo dagaalku u sababay muran ka dhashay dhul beereedyo lahaanshadiisa leysku qabsaday.

Related posts

Gudoomiye Ciro Oo Mar kale Shaaciyay Musharax-nimadiisa Godoomiyaha Xisbiga Wadani.

Heemaall

AMISOM Oo La Wareegaysa Amniga Magaalada Muqdisho

Heemaal

Somaaliya Oo Qaramada Midoobay U Gudbisay Qorshaheeda Isbedelka Cimilada.

Heemaall