Heemaal News Network

Hogaamiyaha Tigray:-“Isma-dhiibi Doono Ilaa Inta Aynu Dhimanayno”.

Hoggaamiyaha Jabhada TPLF Debretsion Gebremichael ayaa ku gacanseyray dalabkii ugu yimid Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed oo u qabtay 72 saacadood in ay isku soo dhiibaan.

Wuxuu sheegay in marnaba aysan u hoggaansimi doonin dalabka uga yimid dhinaca Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, taa badalkeedana diyaar u yihiin in ay dhintaan.

Ciidanka Federaalka Itoobiya ayaa sheegay in wax ka yar 60 kilomitir u jiraan Mekele, caasimada Tigreyga ahna xarunta kooxda TPLF, waxaana soconaya madaafiic culus oo ay adeegsanayaa ciidamada si ay ula wareegaan magaalada.

Laakiin dhinaca kale hoggaamiyayaasha Tigrayga ayaa u muuqda kuwo aan u joojineynin hujuumka culus ee uga imanaya dhinaca ciidamada Qaranka Itoobiya.

Related posts

Ethiopia Oo Ku Diiday Dhexdhexaadin Ay Ku Baaqeen Dalal African Ah

Heemaall

Alexei Navalny Oo Ka Dagay Mosko Xabsigana La Dhigay

Heemaal

Marooko Oo Heshiis La Gashay Israa’iil

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More