Heemaal News Network
Caalamka

Hogaamiyihii Xooggaga Hutu-ga Rwanda Oo Maanta Lagu Dilay Cong.

Saraakiisha Milatariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ayaa shaaciyay inay manta dileen Hogaamiyihii maleeshiyaadka Hutu mud. Sylvestre Mudacumura , kadib iska hor imaad rasaasaysan oo maanta dhexmaray ciidanka Congo iyo maleeshiyaadka uu hogaminayay oo lagu magacaabo FDLR.

Taliyahan oo mudooyinkii denbe loo heystay dambiyo dagaal ayaa ku dhuumaalaysanay keymaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, tan iyo markii uu soo afjarmay xasuuqii Rwanda oo ay ku dhinteen 800 oo kun oo u badan dadka Tutsiga ah.

Dawlada Congo ayaa mudooyinkii dambe dagaal kula jiray xooggaga Hutu-ga Rwandese-ka ah ee dalkaasi ku dhuumaalaysanaya, waxayna balan ku qaaday inay awood kula wareegi doonto dhulka ay ka taliyaan jabhadahaasi.

Sikastaba ha ahaatee Maxkamadda dembiyada caalamiga ah ayaa hogaamiyahan kusoo oogtay kiis ah inuu ku lug lahaa kufsi, jirddil iyo dil loo geystay dad rayid ah oo kasoo jeeda qoomiyada Tutsiga ee lagu xasuuqay dagaalkii Rwand.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More