Heemaal News Network
Soomaaliya

Hoggaamiyaha Ahlu Sunna Oo ku Dhowaaqay Dagaal ka Dhan ah Dawlada Fadaraalka.

Hoggaamiyaha ururka Ahlu Sunna Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax ayaa sheegay in ay markale hubka qaadanayaan si isu difaacaan.

Macalin Maxamuud ayaa ku tilmaamay wax aan la aqbali karin in magaalada Dhuusamareeb ay qaraxyo ka dhacaan isagoo tusaale u soo qaatay qarax shalay ka dhacay magaalada Dhuusamareeb.

Munaasabad ay ka soo qeybgaleen taageerayaasha Ahlu Sunna ayaa waxaa ay ugaga hadleen arrimaha ammaanka ee magaalada Dhuusamareeb iyo deegaano kale oo ka tirsan Galmudug.

Shalay ayaa dad ku soo jeeday magaalada Dhuusamareeb laga celiyay inay soo gudbaan iyadoo si aad ah arrinkan ay uga caroodeen taageerayaasha Ahlu Sunna.

Ururka Ahlu Sunna ayaa dhowaan u doortay Madaxweyne Sheekh Axmed Shaakir kadib markii uu khilaaf soo kala dhex galay maamulka Ahlu Sunna iyo Dowlada Federalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More