Hoggaamiye Xirsi Oo Beeniyay Inuu Buugiisa Wax Kaga Sheegay Caafimaadka Madaxwayne Siilaanyo.

Hogaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa faah faahin ka bixiyey qaar ka mid ah faalooyinka laga bixiyey buuga uu dhawaan soo bandhigay ee Miyiga ilaa Madaxtooyada.

Hogaamiyaha Waddani waxa uu cadeeyey inaanu ujeedo xun ka lahayn waxyaabaha uu kaga hadlay madaxweynihii hore ee somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Hogaamiye Xirsi oo qoraal uu arintaas kaga hadlay soo dhigay boga uu ku leeyyahay baraha bulshada ayaa waxa uu ku yidhi:-

Haddaan ujeedo xun ka leeyahay markaanu kala tagnay soo kala horjeednay ee labada xisbi kala ahayn baan Siilaanyo weerari lahaa markaa Xaasha iima qorshaysna inaan Siilaanyo marnaba wax ka sheegaa qofkii
isagu wax ka sheegaya ee Hadalka duwaya waa Meesheeda.

Buuggu wuxuu xanbaarsan yahay Nuxurka aan ugu talo galay waa Xusuus qor, Noloshaydii iyo taariikhda intii aan ka xasuusto Dalkayga iyo Dadkayga, anigoo uga jeeda xusuus qor (Biography) waxaan ugu talo galay inaan Daabacadii koobaad soo saaro Mustaqbalkana sii wado.

Aan ku saxee Xiska iyo Xusuustu waa kala gaar, Xiska aniga Buuggayga kuma qorna Xisku waa Miirka iyo Maanka, Miirka iyo Maanka Siilaanyo Ilaa maalintuu Kursiga joogay ilaa maalintaan ka tegay wuxuu ahaa Taam, Xusuusta Banii-aadamku korbay u kacdaa marna hoos bay u dhacdaa, labada shay ee Sababaa waa marka qofka shaqo badani ku furanto, inuu kala xusuustaa hoos bay u dhacdaa marka da’adiisu korodhana hoos bay u dhacdaa maan sheegin beersanteeje-ka ama 10% baa ma 50% baa maan sheegin manaan qiyaasi karayn, anniga hoosbay u dhacday maalintaan 20-jirka ahaa iyo maanta xusuustaydu isku si maaha adigana waxaa laga yaaba inaan xusuustaadu isku si ahayn.

Haddaan ujeedo xun ka leeyahay markaanu kala tagnay soo kala horjeednay ee labada xisbi kala ahayn baan Siilaanyo weerari lahaa markaa Xaasha iima qorshaysna inaan Siilaanyo marnaba wax ka sheegaa qofkii isagu wax ka sheegaya ee Hadalka duwaya waa Meesheeda.

© Heemaal News Netwok