Heemaal News Network

Holand iyo Belgium Oo Mamnuucay Duulimaadka Uga Imanayay UK.

Tiro kamid ah dalalka Midowga Yurub ayaa ka fekireya sidii xariyaad u saari lahaayeen dadka uga imaanaya dalka UK si looga hor tago faafitaanka cudurka coronavirus.

Dalalka Holand iyo Belgium waxay joojiyeen duulimaadyada uga imaanaya dalka UK, sidoo kale Belgium waxaa laga xayiray tareenada.

Wasiirka arrimaha dibadda Talyaaniga Luigi Di Maio ayaa sheegay in xukuumaddiisu joojisay duulimaadyada, iyadoo dalalka France, Jarmalka iyo Ireland talaabo taas lamid ah qaadeen si loo xakameeyo mowjadaha cusub ee safmarka corona.

Cudurka ayaa si deg deg ah ugu baahaya magaalada London iyo koofur bari gobolka England, ra’iisul wasaare Boris Johnson ayaa sabtidii soo saaray xayiraad affar heer ah taas oo loogu hor tagayo faafitaanka cudurka inta lagu jiro ciidda Masiixiga.

Related posts

Dawlada Somaliya Oo Sheegtay In Khilaafka Kenya ay kala Hadlayso Mareykanka.

Heemaall

Cabdi Xaanshi Oo Farmaajo ku Eedeeyay Inuu Jabiyay Qodobo Sharci.

Heemaall

Maxkamada Jarmalka Oo Xakun Adag ku Riday Dhaqtarka Ciyaartowga Dalkaasi

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More