Hurin Uu Hogaaminaayo Taliyaha Hawl Galinta CXDS Oo Booqday Dagaanadii Laga Baacsaday Alshabaab

Hurin uu hoggaaminayo taliyaha howl-galinta ciidanka xoogga dalka General Maxamed Sheekh Madoowe ayaa booqday Deegaanada Jubboyinka ee dhawaan laga xureeyay Maleyshiyada Nabadiidka Al-shabaab

Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka ayaa booqday deegaanada kala ah Baar-sanguuni, Kaban iyo Tuulooyin hoos taga degmada jamaame, iyagoona u kuur galay amniga deegaanadaasi.
Taliyaha qeybta 43-aad ee Ciidanka xoogga dalka General Cismaaciil Saxardiid ayaa ugu warbixiyay Taliyaha hogaanka howl-galinta ciidanka goobaha ciidamada xoogga dalka ay ka xoreeyeen Al-shabaab.

General Maxamed Sheekh Madoowe taliyaha ayaa duleedka degaanka Kaban kula hadlay cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka, isagoona sheegay in loo diyaar garoobay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Taliyaha Hogaanka Howlgalinta Ciidanka xoogga dalka General Maxamed Sheekh Madoowe ayaa ciidamada Kula dar-daarmay in ay shacabka u naxaan, isla markaasna ay ku wargaliyaan shacabka in ay yihiin ciidan Qaran oo u taagan difaacooda.

 

© Heemaal News Netwok