Heemaal News Network
Caalamka

Iiraan Oo Xaalad Cusub Gashay, Banaan Baxyo Xukuumada Looga Soo Horjeedo Oo ka,,,

Boqollaal dibadbaxayaal ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka caasimadda Iran, ee Tehran, iyagoo muujinaya caro ay u qabaan dowladda, uguna yeeraya beenaalayaal inkiray inay soo rideen diyaarad rakaab ay saarnaayeen oo laga leeyahay dalka Ukraine.

Ardayda ayaa isugu soo baxay ugu yaraan bannaanka labo jaamacadood, jaamacadaha Sharif iyo Amir Kabir, sida ay wararku sheegayaan, iyadoo markii hore ay ujeeddadu ahayd inay xushmad u muujiyaan dadkii ku dhintay diyaaradda. Dibadbaxyada ayaase is beddelay xalay, iyadoo la sheegay in booliiskuna uu adeegsaday sunta dadka ka ilmeysiisa.

Ilaa 1,000 qof ayaa adeegsanayay hal ku dhigyo ka dhan ah hoggaamiyeyaasha Iiraan iyagoo sidoo kale jeexjeexay sawirrada Soleimani.

Ardayda ayaa ku baaqay in caddaaladda la horkeeno dadkii ka dambeeyay soo rididda diyaaradda iyo dadkii qariyayba.

Hal ku dhigyada waxaa ka mid ahaa “madax sare is casil”, iyagoo ula jeeda Hoggaamiyaha Sare ee dalkaas Ali Khamenei, iyo “dhimasho ha u sugnaato beenaalayaasha”.

Dadka isticmaala baraha bulshada ee dalkaas ayaa sidoo kale caro u muujiyay dowladda.

Mid ka mid ah dadkaas ayaa Twitter-ka ku soo qoray: “Weligey ma cafin doono dowladda dalkeyga, dadka meesha joogay ee haddana beenta sheegaya.”

Dibadbaxyada ayaase ah kuwo aan sidaa u sii weyneyn, marka loo eego dibadbaxyadii weynaa ee ka dhacay Iiraan kuwaasoo looga soo horjeeday dilkii Soleimani.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More