Heemaal News Network
somali

Kun Qof Oo ku Dhimatay Dhul Gariir ka Dhacay Afganistaan.(Sawiro)

Ilaa qof ayaa ku dhimatay dhul gariir xooggan oo ka dhacay dalka Afghanistaan halka boqolaal kalena uu dhaawac soo gaaray, sida ay sheegeen saraakiisha Daalibaan.
Sawirro ayaa muujinayaa dhul go’ saameeyay guryo ku yaalla gobolka bariga dhaca ee Paktika. shaqaalaha gurmadka ah ayaa la daalaa dhacayaa daweynta dadka ku dhaawacmay dhul gariirka.
Diyaarado ayaa dadka u daabulayay isbitaallada iyagoo kasoo daadgureynayo deegaanada miyiga ah.
Hoggaamiyaha Daalibaan Hibatullah Akhundzada ayaa sheegay in dhul gariirka uu burburiyay boqolaal ah isla markaana tirada dhimashada ay sare u kici karto.
Wasiir ku xigeenka qaabilsan ka hortagga masiibooyinka Afghanistan Sharafuddin Muslim ayaa shir jaraa’id ka sheegay in ugu yaraan 920 qof ay ku dhinteen dhul gariirka halka 600 uu dhaawac soo gaaray, waa dhul gariirkii ugu dhimashada badnaa ee ku dhufta Afghanistaan muddo 20 sano gudahood.

Related posts

“Waligay Doorshada Somalia Ma Daawan Xalay ka Hory.”Faysla Cali Waraabe Oo ku Farxay

Heemaall

Farmaajo Oo Xil U Magacowday Haweeney Calanka Somaliya Loogu Xiray Somaliland.(Sawiro)

Heemaall

Somalida ku Dhaqan Oslo Oo ka Hortagay Weerar Uu Geysan Rabay Wiil Somali ah

Heemaall