Heemaal News Network

Ilhaan Cumar Oo Shaacisay Inay ka Baxday Heshiiskii ay kula jirtay Shirkadda Ninkeeda

Ilhan Cumar oo ka tirsan aqalka Koongareeska Mareykanka ayaa shaacisay inay ka baxday heshiis ay kula jirtay shirkadda E Street Group, oo uu leeyahay ninkeeda Tim Mynett.

Wakaalada Wararka ee AP ayaa ku waramaysa in Ilhan Cumar ay gaartay go’aankan ay heshiiska uga baxday shirkada Ninkeeda kadib markii ay ku guuleesatay doorashadii dhawaan dhacday, waxa ayna Ilhan sheegtay in ay rabto in ay u cadeeyso taageeerayaasheeda in arin kale uusan kala dhaxeyn shirkadda.

“Waxaan go’aansannay inaan baabi’inno qandaraaskii aan kula jirtay shirkadda Tim iyo Will. Halka taageerayaal badan oo aan isu dhownahay, si fiicanna u yaqaanna labadaas ay soo jeedinayaan inaan la sii wadno wada shaqeynta – Anigu waxaan doonayaa inaan qof walba oo taageersan ololaheenna, waqti iyo dhaqaalena ku bixiya u xaqiijiyo inaysan jirin cillad ku jirta taageeradaas.” ayey tiri Ilhan Cumar.

Ilhan Cumar ayaa ahayd macmiilka ugu weyn ee shirkadda uu ninkeeda lahaa, waxa ayna Ilhan shiirkadan siisay lacag ka badan Milyan Dollar oo loogu sameeyay la talin iyo sidoo kale xayeesiimo dhinaca ololaheeda doorashada.

Heshiiska ay Ilhan Cumar uga baxday shirkadda uu ninkeeda leeyahay ayaa hadal heyn badan ka abuuray gudaha dalka maraykanka, waxa uuna warkan imaanayaa xili Ilhan Cumar mar kale ku guuleesatay in ay kamid noqoto aqalka Koongareeska dalka Mareykanka.

Related posts

Saraakiil Sar-sare Oo Shaqo Looga Eryey Wiil Somali ah Oo ay ku Cunsuriyadeeyeen Manchester.

Heemaall

Ethiopia Oo Ku Diiday Dhexdhexaadin Ay Ku Baaqeen Dalal African Ah

Heemaall

Borama:-Wasiirka Dinta iyo Awqafta Oo Kormeray Dhismaha Xarunta Dayactirka Kutubta Qur,anka.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More