Heemaal News Network

Ilhaan Cumar Oo Xukuumada Itoobiya ku Eedeysay Dgaalka ay ka Wado Gobolka Tigrey.

Ilhaan Cumar oo ka tirsan Golaha Congress-ka Mareykana ayaa markii ugu horreysay ka hadashay xiisada dagaal ee dalka Itoobiya.

Qoraal kooban oo ay soo saartay Ilhaan Cumar ayaa waxa uga hadashay dagaalka u dhexeeya ciidamada federaalka ee dalkaasi iyo kuwa TPLF ee waqooyiga Itoobiya.

Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaaliyeed ayaa xukuumadda Itoobiya ku eedeysay in nooc kasta oo dagaal ah ay ka geystay gobolka Tigray ee dalkaasi.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in dagaalladaasi ay ka dhasheen khasaare lixaad leh iyo barakaca dadka shacabka ah.

“Dowladda Itoobiya waxay xirtay kuwii ka soo horjeeday, waxay ku hanjabtay duqayn, waxayna nooc kasta oo dagaal ah la gashay mid kamid ah gobolladeeda gaar ahaan Tigray,” ayey tiri xildhibaanad Illhaan Cumar.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo weli dagaalka ka socda gobolka Tigray uu sii xoogeysanayo, waxaana duqeymo iyo dagaallo ay ka socdaan waqooyiga wadankaasi.

Related posts

Uhuru Oo ka Digay In laoo Faragaliyo Arimaha Kenya Xilli Ay Somaliya ka Cabatay Faragalintooda.

Heemaall

Ciidamada Itoobiya Oo Xoogaga Tigrey ka Qabsaday Magaalada Istaraatiiji ah Ee Adigrat.

Heemaall

Soomalida Uu Gumaysto Sawaaxiligu Oo Walaac Ka Muujisay Dastuurka Kenya Oo La Badalayo

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More