Ilhan Cumar Oo Weerar Afka ah ku Qaaday Madaxweyne Trump.

Ilhan Cumar oo ka tirsan Kongareeska Mareykanka aadna u dhaliilsan madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dacaayadeysay Trump inuu dalkaasi u maamulay sida cunug “siddeed jir ah”.

Waxay ka jawaabeysay hadalkii Mr Trump uu xalay ka sheegay ololihiisa doorashada, isagoo yiri:

“Waan ku guuleysan doonnaa gobolka Minnesota iyada darteed, ayay dhaheen. Waxaad noo sheegeysaa sida loo maamumo dalkeenna, maxaad ku sameyn jirtay halkaas ka timid? Waa sidee xaaladda dalkaaga? Waxay inoo sheegeysaa sida loo maamulo dalkeenna.”

Ilhan ayaa qoraal ay barteeda Twitter-ka soo dhigtay kaga jawaabtay hadalka Trump: “Ugu horreyn, kani waa dalkeyga waxaana ka tirsanahay Aqalka adiga kaa keenay mooshinka xil ka qaadista. Tan labaad, waxaan dagaal sokeeye ka soo qaxay aniga oo siddeed jir ah. Siddeed jir dal ma maamulo inkastoo aad adiga dalkeenna u maamushay sidiisa oo kale.”

Ilhan waxay ku dhalatay Soomaaliya, balse qoyskeeda ayaa ka soo qaxay markii ay dagaalladu qarxeen sanadihii 90-meeyadii.

Sanadkii 2016, waxay noqotay qofkii ugu horreeyay ee Soomaalida Mareykanka ka soo jeeda ee boos sare ka qabta gobolka Minnesota, oo muhiim u ah doorashooyinka dhici doona November.

BBC SOMALI

Related posts

Zidan Oo Ku Goodiyey In Cinqaab Intan Ka Badan Marsiin Karayey Bacelona

Heemaal

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy