Heemaal News Network

Imaaraadka Oo Qirtay Arrin Hadal Hayn ka Dhalisay Dalka Pakistan

Diblomaasiga ugu sarreeya Imaaraadka Carabta ayaa Isniintii si shaacsan u qirtay xayiraad aan sharaxaad laga bixin oo la saaray dadka dalkaasi kasoo booqanaya Pakistan, taasi oo hadal badan ka abuurtay Pakistan.

Wakiilada dhinaca socdaalka ee gooya tikidhada ayaa sidoo kale sheegay in xayiraaddan lagu beegsanayo in ka badan 10 dal oo kale muslimiin ah, ayada oo uu jiro tuhun ku saabsan in arrintan loo sameeyey Israel darteed.

Kadib kulan uu la yeeshay dhiggiisa Pakistan, ayaa wasiirka arrimaha dibedda Imaaraadka Carabta Sheikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan waxa uu sheegay “in dhowaan hakin ku-meel gaar ah lagu sameeyey soo saarista Visa-ha sababo la xiriirka cudurka COVID-19,” sida ay werisay wakaaladda wararka Imaaraadka ee WAM.

Ma uusan sharxin sababta loo hakiyey Visa-ha horey loo bixiyey, taasi oo lama filaan ku noqotay dad badan oo doonayey inay soo galaan dalkaas.

Visa-ha la hakiyey ayaa lagu beegsaday dalal ay ka mid yihiin Pakistan, Lebanon, Kenya, Iran, Syria, Afghanistan iyo Yemen, waxayna arrintan timid ayada oo ay billaabatay inay dalkaas soo galaan dalxiisayaal ka socda Israel, kadib xiriir dhex maray labada dal.

Saeed Mohammed, oo ka shaqeeya shirkadda socdaalka ee Arabian Nights Tours ee Dubai ayaa sheegay in heerka ogolaanshaha Visa-ha qoysaska ka imanaya dalka Pakistan ay sare u kacday toddobaadyadii tegay.

Si kastaba, waxa uu sheegay in Visa-ha dadka dhallinyarada ah ee aan xaasaska aheyn aan loo ogleyn inay dalkaas soo galaan, taasi oo sare u qaadday tuhun la xiriira in go’aankan uu salka ku hayo arrimo amni.

Related posts

Muuse Biixi Oo Shacabka U Diray Farriin Khusaysa Curashada Sannadka Cusub Ee 2021-ka

Heemaall

Awdal: Shaqaalaha Talaalka Wasaarada Caafimaadka Oo Ka Guuxaya Gunooyin Mudo Ka Maqan.

Heemaall

Wasiirada Shaqada Ee Somaliya Iyo Qatar Oo kawada Hadlay Furitaanka Suuqa Shaqada.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More