Heemaal News Network

Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Itoobiya Oo Dib loo Dhigay Mudo aan Cayinayn.

Wasaaradda Waxbarashada ee dalka Itoobiya ayaa shaacisay in dib loo dhigay ilaa wakhti aan la shaacin imtixaankii fasalka 12aad ee Itoobiya.

Haddaba Imtixaanka dib loo dhigay ayeey Wasaaraddu ku sababaysay maadaama dalku ku jiro xaalad amni, sidaa daraadeedna ilaa wakhti aan la xadidin dib loogu dhigay imtixaankii fasalka 12aad ee dalka Itoobiya.

Sidoo kale waxay dawladdu shaacisay imtixaanka fasalka 8aad, oo la qaadi doono inta u dhaxaysa bisha soo socota ee December 10keeda sannadka 2020, ilaa 8da bisha 1aad ee sannadka 2021.

Dawladda ayaa wali dagaal kula jirta xoogagga daacadda u ah TPLF ee degaanka Tigray, waxayna sababi kartaa in haddii uu dagaalkani sii socdo in imtixaanaadka 12aadku uu marba dib usii dhaco.

Related posts

RW Rooble & Musharax CC/shakuur Oo Isla Qaatay Xalka Muranka Doorashada(Sawiro)

Heemaall

Xasan Sheekh “Digreetada Farmaajo Ee Maanta Waxay la Mid-tahay Dastuurka Oo la Laalay”

Heemaall

Maxkaamada ICJ Oo Yeeltay Madaxweyne Cusub

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More