Heemaal News Network
somali

In ka Badan 100 Qof Oo ku Dhimatay Dagaalka Somalida Iyo Canfarta Ee Itoobiya.

Maamulada Soomaalida iyo Canfarta ee dalka Itoobiya ayaa ka hadlay dagaalkii dhacay degaano ku yaal galbeedka Gobolka Siti ee dowlad degaanka Soomaalida, kaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo aad u farabadan.

Wasiirka Warfaafinta ee deegaanka Soomaalida Cali Beddel ayaa guulo ka sheegtay dagaalka,isaga oo sheegay inay maleeshiyaadka canfarta ka dileen 25 Ruux, kadib markii ay soo weerareen.

Wasiirka oo la hadlay Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa sheegay in Ciidamada Dowlad degaanka Soomaalida, iyaga oo difaacaya Shacabka ay gareen guulo waweyn howlgalkana uu sii socon doono.

Dhinaca kale Taliye ku-xigeenka booliiska Canfarta Axmed Xumed oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in dagaalka ay ku dhinteen ilaa 100 askari oo labada dhinac ah, waxaana uu ku eedeeyay in Ciidamada dowlad degaanka Soomaalida ay weerarka soo qaadeen.

“Ciidamada gaarka ah ee deegaanka Soomaalida waxay weerareen aagagga Haruk iyo Gewane iyagoo adeegsanaya hub culus oo ay ka mid yihiin qoryaha darandooriga u dhaca iyo bambooyin. Carruur iyo haween ayaa la dilay iyagoo hurda,” ayuu yiri Axmed.

Warrakii ugu dambeeyay ee saaka naga soo gaaraya degaanadii lag dagaalamay ee Galbeedka Gobolka Siti ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi lagad areemay xiisad dagaal oo u dhaxeysa dhinacyadii dagaalamay.

Related posts

Deni Oo ku Hanjabay Inuu ka Hari-doonin Ereyo Uu Dhibsaday Oo Wasiir Dubbe kasoo Yeeray.

Heemaall

10 kun Oo Qof Oo Cabsida Al-shabaab Uga Qaxay Magaalo ku Taala Mozambique.

Heemaall

M/Biixi Oo la Kulmay Wafdiga Wasiirka Cadaalada Zambia Oo Hargeysa soo Gaaray(Sawiro)

Heemaall