Ine Eriksen Søreide oo ah wasiiradda arrimaha dibadda ee dalka Norway, ayaa sheegtay in Muuse Biixi ay kula hadashay khadka telefoonka fariin cadna u gudbisay.
– Subaxnimadii sabtida ayaan la xiriiray madaxweynaha waxaanan siiyay fariin cad oo ah in dilka aan la aqbali karin oo aan la fulin, ayay tidhi Søreide, oo sidoo kale carabka ku adkeysay in qofka norwiijiga ah ay tahay inuu marin u helo dacwadaha caadiga ah ee maxkamadda.
Wasiiradda oo la hadlaysay warbaahinta ayaa intaa ku dartay in Biixi ka balan qaaday in aan la fulinayn xukunkaa, eedaysanahana la siin doon fursad uu isku difaaco isaga oo xukunka ka qaadanaya racfaan.
Maalmihii u danbeeyey warbaahinta dalka Norwey ayaa aad u qoraysay, warka Soomaali haysta dhalashada Norwey oo maxkamad ku taala Hargaysa ay dil toogasho ah ku xukuntay.