Heemaal News Network
somali

Ingiriiska Oo Shaaciyay In Malaayiin Dollar ku Maalgalinayao Dekedda Berbera.

Shirkada lagu magacaabo CDC ee maalgalinta u qaabilsan dowlada Ingiriiska, ayaa ku dhawaaqday in ay 320 milyan oo dollar ku maalgalinayso 3 dekedood oo ay ku jirto Dekedda Berbera.

Shirkada ayaa sheegtay in ay lacagtan ku maal galinayso dekedaha kala ah Dekeda Dakar ee Senegal, Dekedda Sokhna ee Masar iyo Dekedda Berbera, sida ay xogeeyaha arrimaha dibada Ingiriiska Lis Truss ku baahisay Twitter keeda.

Agaasimaha maalgashiga ee Shirda CDC Richard Charlton, oo waraysi fogaan arag ah siiyay muuqbaahiyaha MMTV isaga oo ku sugan magaalada Dubai, ayaa sheegay in ay shirkada dekedaha ee DPworld oo horay maalgalin malaayiin dollar ah ku samaysay dekeda Berbera ay kala shaqaynayaan maal galin cusub oo Dekkeda Berbera ay ku samaynayaan.

“Maalgashigan aanu maanta shaacinaynaa waa ada shaqayn aanu shirkada DPworld kala yeelanayno sidii aanu maalgashi ugu samayn lahayn qaarada Afrika, waxaana aanu maalgashi ku samaynaynaa Dekedda Dekar ee dalka Senegal, Dekedda Sokhna ee Masar iyo Dekedda Berbera ee Somaliland” ayuu yidhi Charlton.

Charlton ayaa sheegay in maalgalintan kadib uu sare u kici doono wax soo saarka Dekedda Berbera isla markaana, ay door la xaadle ka ciyaari doonto koboca dhaqaalaha Somaliland ayna shaqo abuur u samayn doonto in ka badan hal milyan oo shacabka Somaliland ah.

“Waxaanu DPworld ka caawinaynaa balaadhinta Dekedda Berbera, loojistikada, marinka Berbera Corridor iyo horumarinta iyo derder-galinta howlaha Dekedda Berbera, waxaana aanu aaminsanahay in marka la gaadho sannadka 2035 in dekedu abuuri doonto dhaq dhaqaaq ganacsi oo u dhigma 6% koboca dhaqaalaha Somaliland iyo 1.6 milyan oo shacabka Somaliland ka mid ahi ay ka faa’iidaysan doonaan shaqa abuur kaasi” ayuu yidhi Charlton.

Charlton ayaa sheegay in shirkadu ay 400 oo milyan oo dollar oo kale ay ku maalgalin doonto horumarinta dekedaha Afrika marka ay maalgalintani dhamaato.

Related posts

Barakacayaasha Burco Oo ka Qayliyay Musuq lagu la Kacay Deeqihii Loogu Talagalay.

Heemaall

Wasiir Koore Oo U Hanjabay Dadka Dhaliilay Booliiska Somaliland.

Heemaall

Golaha Amaanka Ee Qaramada Midoobay Oo War Kale Kasoo Saaray Xaalada Somaliya.

Heemaall