Iran Oo Gantaalada Ridada Dhexe Ka Gantay Dalkeega Kuna Garaacday Bariga Dalka Suuriya

Militariga Iran ayaa markii ugu horeysay gantaalo laga tuuray wadankaasi ku duqeeyey gobalka Deyr Al Suur (Deir Az Zor) ee bariga wadanka Siiriya.

Gantaaladan oo ahaa nooca ridada dhexe ayaa laga tuuray gobalada Kermanshah iyo Kurdestan, waana markii ugu horeysay oo ay Iran gantaaladeeda la beegsato dal kale muddo soddon sano ah.

Duqeyntan ayey Iran sheegtay inay jawaab u tahay weerarkii kooxda Daacish horaantii bishan la beegsatay magaalada Tehran.

Gobalka Deyr Al Suur ayaa kamid ah dhulka ay weli gacanta ku heyso kooxda Daacish, waxayna Iran sheegtay in gantaalada lala beegsaday Taliska Daacish ay ku leeyihiin gobalkaasi.

Macada khasaaraha duqeyntan ama in lagu guuleystay xarunta yoolkoodu ahaa maadaama ay adag tahay in xog madax banaan laga helo dhulka ay ka taliso kooxda Daacish.

Talaabadan ay Iran qaaday ayaa dhinaca kale ah mid ay dooneyso inay ku muujiso awoodeeda militari iyo horumarka mashruuceeda gantaalada.