Heemaal News Network

Iran Oo ku Hanjabtay Inay U Aar-goyn Doonto Khabiirkoodii Niyukleerka Ee Laga Dilay Shalay.

Iiran ayaa wacad ku martay inay ka aargoosan doonto kuwii ka dambeeyay dilkii loo geystay Seynisyahankoodii ugu sareeyay ee dhanka Niyukleerka, Mohsen Fakhrizadeh, oo shalay la dilay.

Seynisyahankani barnaamijka Niyukleerka Iiraan Mohsen Fakhrizadeh ayaa lagu khaarajiyay meel u dhaw caasiamda Tehran, waxaa sidaasi sheegay wasiirka gaashaandhiga Iran.

Fakhrizadeh ayaa dhaawac ka soo gaaray weerarkaasi ugu dhintay isbataal ku yaala magaalada Absard.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iraan Mohammad Javad Zarif, ayaa cambaareeyay dilkaasi isaga oo ku tilmaamay “ficil argagixiso”.

Saraakiil kale oo reer Iiraan ah ayaa waxay dhankooda dilkiisa ku eedeeyeen inay masuul ka tahay Israa’iil oo ay ka dambeyso.

Waxay ku hanjabeen saraakiishani inay u aargudi doonaan Seynisyahankan shalay lagu dilay meel u dhaw magaalada Tehran ee caasimada iiraan.

Israa’iil wali kama aysan jawaabin eedeeynta loo soo jeedayay, balse waxay horey Israa’iil u sheegtay in Mr Fakhrizadeh uu yahay maskaxda ka dambeysa barnaamijka qarsoodiga ah ee Niyukleerka Iraan.

Hay’adaha sirdoonka reer Galbeedka ayaa rumeysan in Fakhrizadeh uu ahaa shaqsiga ka dambeeyay barnaamijka qarsoodiga ah ee Niyukleerka Iiraan.

Dowladda Iiraan ayaa falka lagu diley Seynisyahankeeda ku tilmaamtay mid jabaneya shuruucda caalamiga ah, islamarkana mudan in la cambaareeyo.

La taliyaha hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Khamenei, ayaa ballanqaday inay weerar sida “sida biriqda oo kale” ay kaga aargoosan doonaan kuwa isku dayaya inay abuuraan dagaal toos ah.
Xigasho BBC

Related posts

Biden Oo Nin Madow U Magaacabay Xoghaya Gaashaandhiga Maraykanka

Heemaal

Khasaare Dhaliyay Qarax ka Dhacay Addis-Ababa.

Heemaall

Maamulka Konfur Galbeed Oo si Adag U Beeniyey Qoraal Laga Baahiyay Lafta-gareen

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More