Heemaal News Network

IRAN Oo Mar kale Qaramada Midoobay U Ogolaaday Kormeerida Xarumaheeda Nukliyeerka

Dowladda Iran iyo hay’ada Nukliyeerka u qaabilsan Qaramada Midoobay IAEA ayaa heshiis ku gaadhay in kormeerayaasha caalamiga ah ay tagi karaan xarumaha Nukliyeerka ee dowladda Iran.

Arrintan ayaa qeyb ka ah heshiiskii hore ee xakameynta barnaamijka Nukliyeerka Iran walow ay Iran hoos u dhigtay awoodii kormeerayaasha Caalamiga ah kadib khilaafkii soo dhexgalay xukuumadii hore ee Maraykanka iyo xukuumadda Iran.

Iran oo xiligan dardar gelisay barnaamijkeeda Nukliyeerka ayaa dhinaca kale dooneysa in laga qaado cunaqabateynta saaran, waxayna hada u ogolaatay hay’ada IAEA in saddexda bilood ee soo socda kormeerayaashooda tagi karaan xarumahooda Nukliyeerka.

Madaxa IAEA, Rafael Grossi oo shalay dib uga soo noqday safar uu ku tagay Tehran ayaa warbaahinta u sheegay in heshiiskan uu yahay mid uu soo dhaweenayo.

Dowlada cusub ee Maraykanka oo uu hoggaamiyo Joe Biden ayaa sheegtay inay diyaar u yihiin in dib loo dhaqan geliyo heshiiskii uu hore u burburiyey Donald Trump, balse shardi uga dhigay Iran inay marka hore joojiso dardargelinta barnaamijkeeda nukliyeerka, halka Iran shardi uga dhigtay joojinta hawlaheeda nukliyeerka in marka hore la qaado cunaqabateynta saaran oo burbur xoogan u geysatay dhaqaalaha wadankaasi.

Related posts

Lughaya:-Reer Gargaara Oo ka Qayliyay Goobtii Kaar Badelka Oo Laga Laalay.

Heemaall

Maraykanka Oo Baahiyey Muuqaalka Duqayn Uu Ka Faliyey Jilib Khamiistii

Heemaal

Meydka Qof Ajnabi ah Oo Laga Helay Xeebaha Puntland.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More