Heemaal News Network

Iran Oo Xakun Dil ah ku Fulisay Wariye Lagu Eedeeyay Dad Kicin.

Dowladda Iiraan ayaa daldashay weriye lagu eedeeyay inuu sameeyay barnaamij dadku ay farriimaha isugu diraan uu u isticmaalay in mucaaradad uu ku kiciyo.

Ruuxullah Zaam ayaa la dilay Sabtidii maanta kaddib markii Maxkamadda ugu sarraysa ee dalka ay meelmarisay xukun dil ah oo ninkaas lagu xukumay, waxaa sidaas ku warramay taleefishinka dowladda.

Ma ay cadda sida lagu xiray Zaam oo musaafuris ugu noolaa dalka Faransiiska, waxaa lasoo wariyay in la qabtay mar uu sanadkii la soo dhaafay u safray waddanka Ciraaq.

Waxa uu maamulayay barta internetka ee Amadnews, halkaas oo ah bar caan ah oo wararka ka doontaan dadka ka soo horjeeda dowladda.

Dowladda Iiraan ayaa Amadnews ku eedaysay inay kicinaysay dibadbaxyadii dalka oo dhan ka dhacayay 2017-18.

Shabakaddaas oo ay raacaan in ka badan hal milyan oo qof oo ku xiran bartooda barnaamijka Telegram, ayaa waxa ay dadka la wadaagaysay muuqaallada dibadbaxyada iyo xog waxyeelo gaysan karta oo ku saabsan saraakiisha Iiraan.

Waxaa bartaas xitay dowladda Iiraan, hasayeeshee markii dambe ayaa dib loogu furay magac kale.

Zam oo ah wiil uu dhalay wadaadka isbadal doonka ah ee Maxamed Cali Zam, ayaa horaantii sanadkan waxaa lagu helay “musuqmaasuq baahsan” kaasi oo ah mid ka mid ah dambiyada ugu culus ee dalka soo mara.

Si kastaba xaalku ha ahaadee, hay’adda xuquuqda aadanaha u doodda ee Amnesty International ayaa sheegtay inuu dhibbane u ahaa “maxkamad aan caddaalad ahayn oo ku tiirsaneyd marag kac khasab ku yimid”.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Faransiiska ayaa go’aanka ay Iran ku fulisay xukunka dilka Zam ku tilmaamtay inuu ahaa “weerar halis ah oo lagu qaaday xorriyadda hadalka iyo xorriyadda saxaafadda ee Iran”, sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Reuters.
Xigashi BBC

Related posts

Alexei Navalny Oo Ka Dagay Mosko Xabsigana La Dhigay

Heemaal

Ciidamo ka Tirsan Amisom Oo Itoobiya iyo Tigree-ga Ugu Dagaalamay Hiiraan.

Heemaall

Shiinaha Oo ka Qeyb-qaadanaya Qorsho ka Dhanka ah Al-Shabaab.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More