Heemaal News Network
somali

Is-maamulka Somalida Itoobiya Oo Xabsiga ku Gurtay Dad Taageerayay Kooxda TPLF Ee Tigrey.

28 qof oo lagu tuhmayo inay taageeri jireen maleeshiyaadka Kooxda TPLT ayaa lagu xir xiray Magaalada jigjiga ee Xarunta Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya.

Ciidamada Booliska degaanka ayaa dadkaasi xirxiray, kuwaas oo looga shakiyay inay taageerayeen Kooxda TPLF oo dagaalka kula jirta Ciidamada Federaalka Itoobiya.

Komishineerka booliska deegaanka soomalida Maxamed Yare ayaa Warbaahinta u sheegay xariga dadkaasi, waxaana uu sidoo kale sheegay in gacanta lagu dhigay hantidii ay lahaayeen oo la tuhunsanyahay inay ku maal galinayeen TPLF ama ay horayba uga dhaceen shacabka deegaanka xiligii taliskii TPLF.

Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa waxaa ay dagaal adag kula jirtaa Kooxda TPLF eek u sugan Gobolka tigreega ee Waqooyiga Itoobiya, waxaabna dagaalka qeyb ka ah Ciidamada dowlad deganka Soomaalida oo dhawaan ku biiray.

Related posts

Dawlada Somaliya Oo Shaacisay Kiisas Cusub Oo Covid 19 ah

Heemaall

Qalab loo Qaybiyay Kaaluumaysatada Degmada Saylac.

Heemaall

Shaqaalaha Heemaal News Oo Tacsi U Diray Qoyskii Ay Ka Baxday Farduus Cige

Heemaal