Is-reeb-reenkii Tartanka Kubada Cagta Ee Jaamacadda Camuud Oo Si Rasmi Ah U Bilawday.(Sawiro)

Isreebreebka tartankii kubada cagta ee Kuliyadaha Jaamacadda Camuud ayaa manta si rasmi ah uga bilawday garoonka kubada cagta ee Jaamacadda ee ku yaala dooxda Camuud. Isreebreebkan oo ay ka qayb qaadanayaan xulalka 15ka fasal ee loo yaqaan Freshman-ka ee sanadkan 2018/2019 ayaa socondoona mudo 7 maalmood ah.

Tartankan ayaa furitaankiisii waxa ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka xidhiidhka bulshada ee Jaamacdda Camuud Prof. Maxamed Maxamuud Jaamac Diiriye, waxana uu tilmaamay in tartamada noocan oo kale ahi ay qayb ka yihiin dadaalada ay Jaamacadda Camuud ku doonayso inay ku soo saarto arday ka dhisam muruqa oo ay maskaxdooduna caafimaad qabto, waxana uu kula dardaarmay ardayda ciyaar wanaag iyo anshax wanaagsan inay muujiyaan.

Hormuudka Xafiiska Arimaha Ardayda ee Jaamacadda Camuud Prof. Cabdisamad Cige Habane oo isaguna ka hadlay madashii furitaanka tartankan, ayaa tilmaamay in tartamada joogtada ah ee Kuliyadaha Jaamacadda Camuud ay yihiin kuwo bulshada ugu filan ku dayasho, sidoo kalena ay yihiin astaan u taagan in Jaamacadda Camuud ay dhiiri galinasyo ciyaaraha.

Hurmuudka Kuliyadaha Freshmanka Prof. Haaruun  Ismaaciil Warsame oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in ay farxad u tahay in kulankan ay ka qayb qaataan ardayda Freshman-ka ah, diyaarna ay u yihiin in markale ay difaacdaan horyaalnimada tartankan oo ay sanadkii hore ku guulayteen, sidoo kale waxa uu Prof. Haaruun sheegay in tartankani uu lafdhabar u yahay is-dhex-galka ardayda Freshmanka ah oo ay tiradoodu kor u dhaafayso 1500 oo arday oo ka kala yimid degaano iyo dalal kala duwan oo dunida guud keeda ah.

Si kastaba ha ahaatee isreebreebkan waxana ka soo gudbi doona 4 fasal oo kaliya, kuwaas oo u gudbi doona tartanka sanad-laha ah ee Jaamacadda Camuud,   oo bisha March ee sanadka Dambe  ee 2019-ka ka qabsoomi doona garoonka Xaaji Daahir Stadium ee magaaalada Boorama, waxana xusid mudan in tartankan uu yahay kan ugu xiisaha badan ee ka qabsooma magaalada Boorama.

 

Kala soco Heemaal Tartanka Ciyaaraha Camuud

Maxamed Bili bili