Heemaal News Network

Isbahaysiga Oo ka Hadlay Khasaraha Weerar Xutiyiinyu ku Qaadeen Garoonka Diyaradaha Abha

Isbaheysiga uu hogaaminayo Sacuudiga ayaa ka hadlay maanta weerar ay fallaagada Xuutiyiinta ku qaadeen garoonka diyaaradaha Abha, taasoo sababtay dab ka kacay diyaarad rayid ah.

“Weerar argagixiso oo fuleynimo ah oo maleeshiyada Xuuthiyiinta ay ku qaadeen garoonka diyaaradaha caalamiga ee Abha ayaa sababay in uu dab qabsaday diyaarad dhex taallay Garoonka,” Telefishanka ay maamusho dowladda Sacuudiga ee Al-Ekhbariya ayaa soo xigtay isbaheysiga.

Xuutiyiinta ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka waxyar kadib, afhayeenka milatariga Yehia Sareai wuxuu sheegay in fallaagada ay adeegsadeen afar diyaaradood oo ay ku rakiban yihiin bambaanooyin si ay u bartilmaameedsadaan garoonka diyaaradaha ee koonfurta Sacuudi Carabiya.

Bartilmaameedka wuxuu imaanayaa iyadoo laga jawaabayo duqeymaha cirka ee sii socda iyo go’doominta arxan darada ah ee lagu hayo dalkeenna, “Sareai ayaa yiri, isagoo xusay in Xuutiyiinta ay u arkaan garoonka diyaaradaha mid milatari oo aysan bartilmaameed u ahayn rayidka.

Related posts

Shirka Wadatashiga Dowlada iyo Maamul Goboleedyada Oo Furmay Dhuusamareeb.(Sawiro)

Heemaall

Hargaysa Oo Soo Dhaweeysey In Ceelal Biyood Laga Siiyo Jabuuti Awdal

Heemaal

Muxuu Ahaa Paswordka Twitterka Trump Ee La Jabsaday?

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More