Heemaal News Network
somali

Iska Horimaad Hor Leh Oo Dhex-maray Ciidamada Armenia iyo Azerbaijan.

Askari u dhashay dalka Armenia ayaa Talaadadii lagu dilay rasaas ay xuduudda isku weydaarsadeen ciidamada Azerbaijan, sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhigga Armenia, ayada oo weli ay xiisad kacsan tahay kadib dagaalkii bishii September ka dhacay gobolka Nagorno-Karabakh.

Wasaaradda ayaa goor dambe sheegtay in xaaladda ay hadda ‘degan tahay” kadib iska horimaadka oo ka dhacay barta xuduudda ee Verin Shorzha ee gobolka bariga Armenia ee Gegharkunik.

Goobtan ayaa xuduud la leh gobolka Kalbajar oo ay dib u qabsatay Azerbaijan kadib dagaalkii sanadkii tagay.

“Hal askari ayaa ku dhintay iska horimaad kadib markii ciidamada Azerbaijan ay rasaas soo fureen,” ayey wasaaradda difaaca Armenia ku tiri bayaan ay soo saartay.

Hase yeeshee wasaaradda gaashaandhigga Azerbaijan ayaa beenisay in ciidamadeeda ay rasaas fureen.

“Sida aan xogta ku hayno, dhacdada la xiriira geerida askariga Armenia waxay aheyd mid shil ah, wax shaqo ahna kuma lahan dhinaca Azerbaijan,” ayey wasaaradda ku tiri war-saxaafadeed ay soo saartay.

Dagaalkii xooggan ee sanadkii tegay ka dhacay gobolka Nagorno-Karabakh – oo ah gobol ka tirsan Azerbaijan balse ayd egan yihiin Armenian – ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 6,000 oo qof kadib lix toddobaad oo uu socday.

Dagaalka ayaa ku joogsaday xabad joojin ay dhex-dhexaadisay Russia oo Armenia ay ku dhiibtay dhul ay sanado badan haysatay.

Related posts

Madaxwayne Laftagareen Oo la Kulmay Guddiga Taakuleynta Dadkii Laga Saaray Laas-Caanood.

Heemaall

Dawlada Oo ka Hadashay Ganacsatada Somaliyeed Ee Lagu Xiray Turkiga.

Heemaall

Ahmed Madoobe Oo Ga’aano Culus kasoo Saartay Amniga Jubaland.

Heemaall