Maxaa loo Hakiyay Dar-dar-galinta Shaqaalaha Caafimaadka Ee Awdal.?

Isku bedelka shaqaalahu waa sune dawladnimo oo laba astaamood leh, taas oo mida koowaad ay tahay in la dardar galiyo shaqada bulshada loo hayo, meeshana laga saaro shaqaalaha fadhiid-ka noqda ee ku guuldaraysta inuu waajibkii shaqo ee uu masuulka ahaa guto. Halka ay astaanta labaad ka tahay mid tilmaamaysa isla xisaabtan, nidaam iyo kala sarayn ku qotonta isku hogaansan dawladnimada sumad ah.

Araartaasi waxa ay horaad u tahay xaalka ka aloosan wasaarada caafimaadka ee gobolka Awdal oo dhawan isku bedel malahayga noqonaya kii ugu horaysay ee noociisa ah ku samaysay hawlwadeenada caafimaadka ee ka hawlgala xarumaha caafimaadka aasaasiga ah ee gobolka, isku badalkan oo sida aan soo xusay ahaa sune iyo astaan dawladnimo ayaa waxa ka soo yeedhay qaylo, cataw, iyo cabaad badan oo qaar ka mid ah hawlwadeenada lagu sameeyay isku shaandhaynta ay kaga biyo diideen meesha loo badalay, dacwad iyo garnaq ka dhan ah madaxda caafimaadka aasaasiga ah iyo kuwa gobolkana u gudbiyeen madaxda Awdal gaar ahaan barasaab Tiimbaro.

Iskubedelkan oo lagu waday inuu hirgalo ayaa hakad galay, kadib markii Barasaab Tiimbaro uu soo faro galiyay kuna taliyay in la hakiyo inta uu gobolka ku soo laabaanayo, kana soo faaruqayo Hargaysa iyo Shirka Kumiye ee xaasaasiga ah.

Xaalka sidan ah waxa ay ila tahay in 3 qodob oo mid ku socdo shaqaalaha dacwada iyo diidmada isku daray, midna uu ku liishaaman yahay madaxda caafimaadka ee iskubedelkan samaysay, hadana hakinta ka daba geeyay, midka sidexaadna uu ridaysan yahay barasaabka Awdal ee faragalinta uu xalka u arkay sameeyay ee hakiyay awaamiirtii dawladeed ee ka soo fulay shaqaalahiisa.

Qaybta ka midka ah Shaqaalaha Gadooday waxa aan leeyahay shaqo-diidkiinu waxa uu ka tarjumayaa laba qodab oo mid yahay sida aanay mushaharadu u ahayn mid ku filan shaqalaaha, noloshuna aanay isku bixinayan hadii meel ka fog xayndaabkiina la idinka hawl gasho, balse dhinaca kale diidmadiinu waxa ay soo shaac-saaraysaa inay jiraan shaqaale aan ka adkayn shaqadooda, u xuubsiibtay afku-maal, hadii meel kale loo badalona ay soo baxayso sida ay ugu guul-darayteenmihnada caafimaad ee ay sheeganayaan, tan ugu darana waxa ay tahay in diidmadiino ay astaan u tahay gardaro garab ogg oo wiiqaysa dawladnimadii iyo kala dambayntii.

Masuuliyiinta caafimaadka ee isku-bedelka sameeyay waxa aan iyagana leeyahay, talaabda aad qaadeen hadii ay ahayd mid aad adeega caafimaad ee aad bulshada uga masuulka titiin ugu danaynayseen waa wax wanaagsan, balse talada ku darsada daryeelkii shaqaalahu u baahnaa ee dheeraadka ahaa in tabarteena dawladnimo aanay noo suura galin. Hakinta maanta, iyo Ka-laabashada isku-bedelkaas ee baritona waxa uu ka marag kacayaa in aad baalashii, awoodii iyo haybadiiba ka rifteen masuulka xilka idiinka dambayn doona, una jidayseen sunne ku soo arooraya hebelba ma samayne ha samayn wax dadka u dan dan ah. Hana iloobina inay cadaalad daro tahay in shaqaalaha qaar amarkiinii qabto, qaar kalena ay ka doodeen oo aad iska dayseen. Waxana ay bulshadu idiin aqoonsan doontaa kuwo mudnaanta siiyay xidhiidhkii ay la lahaayeen barasaabka, wasiirka, caaqilka iyo cida dabada ka wada in laga laabto isku bedelkaas.

Barasaab Tiimbaro waxa aan isaga leeyahay, dardargalintii dawladnimo leh kala dambayn, awaamiir fulin, maamul daadajin iyo isku hogaansan adiga ayay masuuliyadeedu ku saaran tahay. Dhinaca kalena ma aha qaar cabasho gar ama gardaro ah wada, balse waa shaqaalaha caafimaadka dhamaantood, waxa ay kaa sugayaan inaad ka hadasho daryeelkooda, doonida xuquuqaha ka maqan, kor u qaadida mushaharooyinkooda iyo xuquuqo kale oo wali maqan. Go’aankaagan hakadka galiyay awaamiirtii ka soo fushay Wasaarada Caafimaadkana waxa uu muujinayaa dib u dhaca ka imana dhinaca masuuliyiinta ee ku gadaaman maamul-daadajinta iyo dawladnimada, waxase la iswaydiinayaa bulshadeenu waa wada siyaasi’e cida ka dambaysa ee kugu qasabtay in aad go’aankaas qaadato.

Ma wasiirbaa! Ma madaxwayne-ku xigeenbaa! Ma madaxwaynaa! Ma odaydhaqameedbaa! Ma maayarbaa! Ma saaxiibaa! Ma danbaa! Ma danaysibaa! Ma daryeelbaa!….Allaahu Yaclam.

Related posts

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

Xukuumada Biixi Oo Markii Ugu Horaysay ka Hadashay Dil Iyo Kufsi Burco Loogu Gaystay Hooyo Ugbad.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy