Isku Gayn Shan Soomaaliya Oo Ku Dhimatay Dagaal Dhex Maray CXDS Iyo Muhaligiinta Alshabaab

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Gobolka Bakool ee Koonfurta Somaliya dagaal u dhaxeeyay ciidamada Ururka Al Shabaab iyo ciidanka Xoogga dalka Somaliya ayaa wuxuu ka dhacay deegaan dhaca duleedka Degmada Xudur.

Dagaalkaan ayaa wuxuu yimid, kadib markii dagaalamayaal ka tirsan Shabaab ay weerar la eegteen Saldhig ciidamada Xoogga dalka Somaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin deegaanka 20-KM u jirta Degmada Xudur.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay dagaalkaasi inay iska caabiyeen, ayna ka hortageen qorshe Shabaab ay ku doonayeen inay ku dhibaateeyaan ciidanka.

Inta la xaqiijiyay dagaalkaasi, ayaa waxaa ku geeriyooday dad gaaraya 5 ruux oo dhinacyadii dagaalamay ah, halka ay ku dhaawacmeen dad kor u dhaafaya 10 ruux.

Xaaladda goobihi dirirta ay ka dhacday ayaa saaka ah mid dagan, waxaana la sheegayaa in ciidamada dowladda ay wadaan hawlgalo ay ku raadinayaan raadadkii Shabaabkii weerarka soo qaaday.