Heemaal News Network

Isku-socodka Gaadiidka Ee Magaalada Boosaaso Oo la Hakiyay.

Taliyaha Qeybta Booliiska G/Bari ee Maamulka Puntland Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa kormeeray saameynta uu reebay roobabka ilaa xalay ka da’ayay Magaalada Boosaaso.

Taliyaha ayaa Shacabka ugu baaqay inay taxadar dheeri ah sameyaan kana fogaadaan goobaha godan iyo biyo mareenada, kaas oo waxyeelo baahsan u geysan karta inta uu roobka da’ayo.

Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in la hakiyay isku socodka gadiidka soo galaya iyo kan ka Baxaya Magalada Boosaaso ilaa inta uu ka joogsanayo roobka, kaddib markii sanadkii hore ay gaadiid farabadan rogmadeen xilli uu roob da’ayay.

Ugu dambeyn Taliyaha Qeybta Booliiska G/Bari ee Maamulka Puntland Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa uga digay shirkadaha & dadka guryaha dhisanaya inay biyaha Roobka meelo u furan, waxaan uu ugu baaqay dowladda Hoose ee Magaalada Boosaaso inay tallaabo ka qaado.

Roob dabeylo watay iyo duufaan ku dhufatay Gobolada Bari ee Puntland ayaa waxaa ay sababay geerida 7 Kalluumeysato u dhalatay dalka Yemen iyo burbur hantiyadeed oo aad u farabadan.

Related posts

Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ka Dooday Xeerka Aaga Cashuuraha Ka Caagan.

Heemaall

Awdal:-Gudoomiye Jeeke Oo Deeq Lacageed ka Gudoomay Qurbo-jooga Degmada Qulujeed

Heemaall

CXD Oo Burburiyey Saldhigyo Alshabaab Lahaayeen Iyo Miino Ku Qaraxday Taliyihii Watay

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More