Israa’iil Oo Shaacisay Inay Joojinayso Gargaar ay siin Jirtay Qaxootiga Suuriya Ee ku Sugan Buuraha Golan Heights.

Israa’iil ayaa soo af jaraysa hawlgal ay gargaar banii’aadminimo iyo dawayn ku gaarsiin jirtay shacab Suuriyaan ah oo ku sugan buuraha la haysto ee Golan Heights.

Ciidammada Israa’iil ayaa sheegay in ay go’aankaas gaareen ka dib markii ciidammada dawladdu ay dib ula wareegeen gacan ku haynta Koonfurta galbeed ee Suuriya halkaas oo xad la leh dalka Urdun iyo buuraha lahaysto ee Golan Heights.

Ciidammadu waxay sheegeen in shantii sano ee ay gargaarkaas wadeen ay isbitaallada Israa’iil ku daweeyeen ku dhawaad shan kun oo ruux oo shacab Suuriyaan ah, toddobo kun oo kalana ay gargaar caafimaad ugu fidiyeen isbitaal deegaankaas ku yaalla.

Shacabka Suuriya ayaa sidoo kale la siiyay cunto, dawooyin, teendhooyin, jananeetarro, shidaal iyo dhar.

© Heemaal News Netwok