Heemaal News Network
somali

Israa’iil Oo soo Jeedisay Helista Xal-nabadeed Oo ay kula Noolaan Karaan Falastiin.

Raysul wasaaraha Israa’iil, Yair Lapid, ayaa khudbad uu ka jeediyay shirka golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ku soo jeediyay in colaadda Falastiin iyo Israa’iil laga gaaro xal ku saleysan labo dowladood oo deris ah oo nabad ku wada nool.

Yair Lapid ayaa sheegay in heshiis lala galo Falastiiniyiinta oo ku saleysan labo dowladood iyo labo shacab ah oo nabad ku wada noolaada ay tahay arrin sax ah, marka loo eego nabadgelyada, dhaqaalaha iyo mustaqbalka carruurta shacabka Israa’iil.

Balse waxa uu sheegay in heshiis kasta oo labada dhinac u dhaxeeya uu ku xirnaan doono oo keliya dowlad ay Falastiiniyiintu leeyihiin oo nabad la ah Israa’iil, isla markaana aan khatar ku ahayn Israa’iil.

Hadalkan ayaa ah mid waafaqsan mowqifkii uu madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ka istaagay colaadda Bariga Dhexe bishii la soo dhaafay markii uu booqashada ku tagay Israa’iil.

Raysul wasaarihii hore ee Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa durbadiiba cambaareeyay hadalka ka soo yeeray Lapid, waxa uuna ku tilmaamay mid halis gelinaya mustaqbalka Israa’iil.

Labada nin ayaa lagu wadaa in ay isaga hor yimaadaan doorashada bisha Nofeembar ee soo socota – waana markii shanaad afartii sano ee la soo dhaafay oo ay doorasho ku loollamayaan.

Raysul wasaare Yair Lapid ayaa mowqifkan horay u taagnaa markii uu ahaa hoggaamiyaha mucaaradka, balse waa markii ugu horreysay oo meel fagaare ah uu ka jeediyo arrintan.

Related posts

Sharmaake Oo Boob Doorasho Ku Eedeeyay Maamul Goboleedyada

Heemaall

Uhuru Kenyatta Oo War kasoo Saaray Doorashada Xasan Sheekh, Ballanqaadna U Sameeyey

Heemaall

Madaxwayne ku Xigeenka Saylici Oo Kormeeray Xarumaha Dawlada Ee Degmada Borama

Heemaall