Heemaal News Network
somali

Israel Oo loo Dhaariyay Ra’isul Wasaare Cusub 12 Sano ka Dib.

Baarlamanka Israa’iil ayaa aya u codeeyay xukuumad wadaag ah oo cusub taasoo soo afjaraysa ololihii Benjamin Netanyahu uu mar kale ku doonayay xilka ra’iisul wasaaraha dalkaas.

Sida uu dhigayo heshiiska awood qeybsiga, wasiirkii hore ee difaaca dalkaas Naftali Bennett, oo ka tirsan xisbiga Yamina ayaa labo sano noqon doona ra’iisul wasaaraha Israa’iil kaasoo goor dhow xilka loo dhaariyey.

Isbaheysigan ayaa waxaa isku keenay siyaasiga Yair Lapid, iyadoo ay qeyb ka yihiin xisbiyada, bidix, midig iyo weliba sidoo kale xisbiga dhexe.

Mr Netanyahu, ayaa sawir isaga oo uu ka soo hor muuqdo calanka Israa’iil oo uu soo dhigay bartiisa twitter-ka waxa uu ku soo qoray, waad mahadsan tahay, waana ku jeclahay.

Benjamin Netanyahu ayaa xilka ra’iisul wasaaraha dalkaas soo hayey 12kii sano ee la soo dhaafay

Related posts

RW Rooble Oo ka Hadlay Jadwalka Doorashada Labada Aqal Ee Maanta la Shaaciyay.

Heemaall

Golihii Hore Ee Wakiilada Somaliland Oo Qado Sharaf Macsalaameyn ah Iskugu Yimid.

Heemaall

Maxkamada Sare Ee Kenya Oo Fasaxday In Dameeraha la Qasho Lana Iibiyo Hilibkooda.

Heemaall