Heemaal News Network
somali

Israsaasayn Sababtay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo ka Dhacday Gobolka Sool.

Is rasaaseynta oo u dhaxeeysay labada Ciidan ayaa waxaa ay Maanta ka dhacday nawaaxiga tuulada Saax-maygaag oo u dhexaysa Birta-dheer iyo degmada Boocame ee Gobolka Sool.

Israsaaseynta ayaa waxaa ay ka dambeeysay kadib markii ay isku dhaceen labada Ciidan oo sahan ahaa xilli ay marayeen Balli-cad oo dhanka hawdka ka xiga tuulada Saax-maygaag, halkaas oo dhowr jeer ay ku dagaalameen laba maleeshiyo Beeleed.

Inta la xaqiijiyay hal Ruux ayaa geeriyooday laba kalena waa ay ku dhaawacmeen israsaaseynta, waxaana dhinacyada dagaalamay kala dhex-galay Ciidamo kale oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Puntland.

Puntland ayaa dhawaan go’aano la xiriira in laga guuro degaanka Saax-maygaag soo saartay si looga baaqsado dagaal Beeleedyada, hayeeshee go’aanadaas ay dhaqan geli waayeen.

Related posts

Ciidamada Somaliland Oo la Wareegay Deegaano ka Tirsan Gobolka Sool.

Heemaall

RW Rooble Oo UNHCR kala Hadlay Gurmadka Dadka Abaartu ku Saameeysay Jubaland.

Heemaall

Khasaare ka dhashay weerar bambaano oo xalay lagu qaaday degmada Janaale

Heemaal