Heemaal News Network
somali

Itoobiya:-Dagaal ka Dhex-qarxay Oromada iyo Amxaarada Oo Dhimasho Badan Gaystay.

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Itoobiya ayaa xayiraad dhinaca hub ka ah ku soo rogay shacabka gobollada deegaanka Amxaarada ka tirsan oo ay maalmahanba dagaallo ku dhex marayeen qowmiyado halkaasi wada dega.

Wasaaradda ayaa sheegtay ciidammo dowladda dhexe ka tirsan ay si gaar ah gacanta uga hayaan deegaannada ay dagaallada ka dhaceen in howl galiyey ciidamaduna amar lagu siiyey iney tallaabba ka qaadan cid kasta oo lagu arko meel hoygeeda ka baxsan hub ku qaadato.

Wasaaradda gaashaan dhigga ee dalka Itoobiya oo bayan a soo saartay xaaladda amni ee dalka Itoobiya ayaa sheegtay dagaalladi ka dhacay Bariga deegaanka Amxaarada si wax looga qabto ciidamada qaranka in laga howl geliyey.

Rabshadihi qowmiyadaha Amxaarada iyo Oromada ee wada daga gobollada ay dagaallada ka dhaceen oo hoos taga deegaanka Amxaarada dad badan ayaa ku naf waayey iyaa oo ay hanti bandanna ku burburtay.

Ciidamada gaarka ah waxaa amar lagu siiyey in ay tallaabo ka qaadaan qofkii isku deya in uu ku xadgudbo xayiraadaha ay wasaaradda ku soo rogtay deegaannadaas.

Qaar ka mid ah shacabka ku nool goobaha ay maalmihi ugu dambeeyey qowmiyadaha Oromada iyo Amxaarada ku dagaallamayeen, waxay sheegeen in dagaallada ay ahaayeen kuwa la isu adeegsanayey hubsi culus oo cabsi badan abuuray.

Sida wararku sheegayaan, dhinacyada dagaallamaya waxay si gaar ah u beegsanayeen goobaha lagu cibaadeysto, iyadoo rabshadaha magaalada Attaaye ka bilalawday islamarkaana ku sii fideen magaalooyinka iyo tuulooyinka ka dhow.

Labada dhinac uu dagaalka dhex maray, midba kan kale wuxuu ku eedeynayaa in uu gardarada dagaal billaabay.

Laamaha ammaanka ee Itoobiyana waxay sheegeen in dagaalladaas ay qayb ka ahaayeen maleeshiyaadka jabhadda OLF, garabka heshiiska nabadeed ka baxay ee Oromada.

Hay’adda Cabashooyinka Shacabka ee Itoobiya oo soo xigatay wakaaladda wararka ee AFP, waxay sheegtay in toddobaadkii la soo dhaafay rabshadihi ka dhacay gobollo ka mid ah deegaanka Amxaarada ay ku dhinteen ugu yaraan 300 oo qof oo rayad ah.

Related posts

Puntland Oo Shaacisay Inay Xal U Raadinayso Khilaafka Doorashada Somaliya Hareeyay.

Heemaall

Xeerka Tamarta Oo loo Qaybiyay Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland.

Heemaall

Qatar Oo Beenisay Hadal kasoo Yeeray Safiirkii Hore Ee Maraykanka Somaliya U Joogay.

Heemaall