Heemaal News Network

Itoobiya iyo Sudan Oo Qarka U Saaran inay Ku Dagaalamaan Xadka.

Militariga Itoobiya ayaa ka tallaabay xadka, waxayna gudaha u galeen Suudaan, sida lagu sheegay war kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Suudaan, maalintii Axadda.

Arrintan ayaa sii xoojisay xiisadda colaadeed ee u dhaxeysa labada waddan ee dariska ah, iyadoo muranka xadka uu soo taagnaa muddo aad u dheer.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Dina Mufti, iyo wasiiru dowlada Arrimaha Dibadda ee dalkaas, Redwan Hussein labaduba suurtagal ma aha in lala hadlo, farriimo loo dirayna kama soo jawaabayaan, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee Reuters.

Maalintii Sabtida ayey Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya barteeda Facebook ku sheegtay in “Ambaasadoor Dina uu dowladda Suudaan ka dalbaday in ay joojiso barakicinta muwaadiniinta reer Itoobiya ee ay billowday 6-dii bishii November.”

Itoobiya ayaa sidoo kale Suudaan ku eedeysay in ciidamadeeda ay kusoo xad gudbeen dhulkeeda.

Isku dhacyo ayaa ciidamada labada waddanka dhex maray sanadkii lasoo dhaafay, colaaddoodana waxay salka ku heysaa muranka lahaanshaha dhulka lagu magacaabo Al-Fashqa, halkaasoo ay dagan yihiin beeraleey Itoobiya u dhashay balse Suudaan ay sheegeyso inuu yahay dhul ka tirsan dalkeeda.

Bishii lasoo dhaafay Suudaan waxay sheegtay in diyaarad laga leeyahay Itoobiya ay kusoo xad gudubtay, laakiin eedeyntaas Itoobiya way iska fogeysay.

Related posts

Hay’ad Laga Eryay Somaliya Oo ka Hadashay Khilaafka ka Taagan Doorashada Dalka.

Heemaall

Midowga Musharaxiinta Oo War Adag kasoo Saaray Jadwalka Doorashada Ee la Shaaciyay

Heemaall

Dagaal Dhimasho Iyo Dhaawac Gaystay Oo Somalida Iyo Canfarta ku Dhex-maray Itoobiya.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More