Heemaal News Network

Itoobiya Oo Amartay In lasoo Xiro 76 Sargaal Oo Uu ka Mid yahay Jen Gabre.(Aqriso Liiska Saraakiisha)

Booliska Federaalka Itoobiya ayaa waaran soo qabasho ah u jaray 76 sarkaal oo uu ka mid yahay Jen Gabre oo si weyn looga yaqaan Soomaaliya.

Saraakiishan oo darajooyin kala duwan ku dhex lahaa ciidamada Milatariga ee ay ka tirsanaayeen ayaa dhamaantood lagu eedeeyay qiyaano qaran, kuwaasoo u badan qowmiyadda Tigray.

Afhayeenka rai’sul wasaaraha Itoobiya Billene Seyoum ayaa beenisay wararka sheegaya in meelo kala duwan oo ka tirsan dalka lagu beegsado islamarkaana lagu xirxirayo dadka ka soo jeeda qowmiyadda Tigrey, balse waxay qirtay in uu jiro xarigga xubno ka tirsan waxa ay ugu yeertay shabakad dambiilayaal ah.

Dhinaca kale, xukuumadda Itoobiya ayaa beenisay inay beegsanayso dadka rayidka ah ee deegaanka Tigray, xilli uu meel adag marayo dagaalka u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kuwa TPLF.

Hogaanka Tigray ayaa sheegay inay iska caabiyeen duulaanka, waxaana ay xukuumadda Addis Ababa ku eedeeyeen inay beegsanayso dadka rayidka ah.

Waxaa aad u adag in xog sax ah laga helo goobaha uu dagaalka ka socdo maadaama khadadka isgaarsiinta ay wali go’an yihiin.
Halkaan ka aqri Liiska Saraakiisha la doon-doonayo

1. -Gen Mahsho Beyene
2. -Gen Mohammed Aysha Zeinu
3. -Gen Mulu Girmay Gebrehiwot
4. -Gen Halefom Ejigu
5. -Gen Fitwi Tsegaye Gebreigziabher
6. -Gen Gidey Hailu Gebreigziabher
7. -Gen Negash Dagnew
8. -Gen Mebratu Woldearegay
9. -Gen Woldegiyorgis
10. -Gen Abdissa Filansa
11. -Gen Giush Gebre
12. -Gen Kebede Fikadu
13. -Gen Gebreyohannes
14. -Gen Hintsa Woldegiyorgis
15. Colonel Tewolde Gebretinsae
16. Colonel Nigusie Gebru
17. Colonel Mebratu Asseffa
18. Colonel Zegeye Nigus
19. Colonel Yalem
20. Colonel Mebratu Tedla
21. Colonel Negash Mebratu
22. Colonel Teklu Belay
23. Colonel Tigabu Meles
24. Colonel Girma Teka
25. Colonel Mulugeta Gebrekirstos
26. Colonel Aramo Gebremedihin
27. Colonel Tesfaye Gebremedihin
28. Colonel Girmal Alemayehu
29. Colonel Negash Alefom
30. Colonel Tesfaye Miruts
31. Colonel Kassaye Assefa
32. Colonel Negasi Tadesse Seyoum
33. Colonel Kiros Hagos Gebreegziabher
34. Colonel Miruts Gebrelibanos Abrha
35. Colonel Hailesselasse Kiros Tesfay
36. Colonel Miruts Berhe
37. Colonel Hailesselassie Assefa
38. Colonel Derbew Hagos
39. Colonel Wolde Hagos
40. Colonel Niguse Amare
41. Colonel Negasi Tadesse
42. Colonel Baraki Wodi Raya
43. Colonel Kebede Gebremichael
44. Colonel Tsegabirhan Gebreegziabher
45. Colonel Zeru Hailemelekot
46. Colonel Haile Mezgeb
47. Colonel Araya Gebru Gidey
48. Colonel Yemane Gebremichael
49. Colonel Zeru Meressa
50. Colonel Lijalem Gebrehiwot
51. Colonel Asmelash Woldie
52. Colonel Fisehha Gidey
53. Colonel Ambachew Woldegebriel
54. Colonel Gebremeskel Woldegebriel
55. Colonel Woldu Hagos
56. Colonel Gebremichael Hagos
57. Colonel Sibhatu Mebratu
58. Colonel Tasew Woldegiyorgis
59. Colonel Gebreegziabher Alemseged
60. Colonel Negasi Tadesse
61. Colonel Tekle Belay
62. Lt Col Tewolde Abrha
63. Lt Col Muzey Tesema Seyoum
64. Lt Col Hadish Gebretsadik Alemayehu
65. Lt Col Fiseha Beyene Gebrekidan
66. Lt Col Miruts Woldearegay Gebremeskel
67. Lt Col Miruts Berha Hagos
68. Lt Col Tsehaye Hagos
69. Lt Col Hagos Kiros
70. Lt Col Gebrehintsa Hadish
71. Lt Col Gebremedihn Woldemariam Alula
72. Lt Col Feleke Aytegeb
73. Major Asgedom Mesfin
74. Capitan Muez Melkam
75. Capitan Araya Teklehaymanot
76. Capitan Tesfahiwot

Gudiga booliska federalku wuxuu kubooriyey shacabka Tigreega, inay booliiska iyo nabad sugida kala qaybtooda kaqaataan keenista dadka aan kor kusoo xusnay iyo xubnaha kale ee kooxda TPLF.

Weli waxaa socda qulqulka qaxootiga ka cararaya colaadda Tigray ee gaaraya Sudan oo daris la ah dalka Itoobiya.

Related posts

Prof Cabdi Samatar Oo ka Digay In Dagaal ka Dhasho Habka loo Maareynayo Doorashada

Heemaall

Jadwalka Doorashada Madaxweynaha & Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle Oo la Shaaciyay

Heemaall

Goobaha Cod Tirinta Ee USA Oo Ciidan Badan La Dhoobay

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More