Heemaal News Network
somali

Itoobiya Oo Liiska Argagaxisada ku Dartay Jabhadaha TPLF iyo OLF.

Itoobiya ayaa Jabhadaha TPLF iyo OLA u aqoonsanaysa argagixiso, iyadoo ciddii jabhadahaasi xiriir la yeelatana lagu qaadayo sharciga argagaixisada uu horay u meel mariyey baarlamaanka dalkaasi.

Qaraarkan oo uu soo jeediyey golaha wasiirrada ayaa ku soo beegmaya xilli dagaalka ka billowday degaanka Tigray uu lix bilood jirsaday, qayba kala duwan ee dalka Itoobiya ka mid ahna ay ka dhacayaan isku dhacyo qowmiyado ku saleysan.

Rag hubeysan ayaa shalay ugu yaraan 15 qof oo rayid ah dilay ka dib markii ay weerar ku qaadeen gaari Bas ah oo ay saarnaayeen gobolka Oromiya.

Booliiska ayaa waxay weerarkan ku eedeeyeen kooxda mucaaradka ee Oromo Liberation Army (OLA).

Ma jiro wax war ah oo ilaa iyo imika ka soo baxay jabhadda OLA, balse kooxdan ayaa horey u diiday eedeyma loo soo jeediyay oo ahaa inay dad rayid ah dileen.

Kooxdan OLA ayaa ah garab hubeysan oo horey uga go’ay jabhadada Oramada ee (OLF), oo imika ah mid ka mid ah xisbiyada mucaaradka ee ugu wayn gobolka Oramiya.

Related posts

Caaqil ku Baaqay In Maayarka Borama loo Doorto Prof Ridwaan.

Heemaall

Foolkaano Mar-kale ka Qaraxday Bariga Congo.

Heemaall

Dowlada Oo War kasoo Saartay Duqeyn Maanta Laga Fuliyay Galmudug.

Heemaall