Heemaal News Network

Itoobiya Oo Cadaadis kadib Ogolaatay In Gargaar la Gaarsiiyo Gobolka Tigrey.

Madaxa ha’yadda cuntada ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay inay heshiis la galeen dowladda Itoobiya si loo ballaariyo howlaha gargaarka loogu fidinayo shacabka ku nool shacabka gobolka Tigray si shaqaalaha gargaarka loogu ogolaado inay gaaraan halkaas.

David Beasley wuxuu sheegay in ku dhawaad 3 malyan oo qof oo ku nool gobolka ay u baahan yihiin gargaar.

Qaramada Midoobey waxay marar badan cabasho ka muujisay in shaqaalaha gargaarka loo diiday inay galaan gobolka si dadka taabaleysan ay u gaarsiiyaan gargaar.

Dagaal ayaa weli ka socdaa gobolka inkasta dowladda ay sheegtay inay la wareegtay gobolkaas.

Labada dhinac wuxuu midba midka kale ku eedeynayaa in la geystay tacaddiyo ka dhan ah xuquuqul insaanka oo ay kamid yihiin kufsi iyo in dadka si ula kac loola beegsaday macluul.

Related posts

Xafsa Jaamac Oo buugeedii Labaad Daaha Ka Rogtay “Wax aan la arag,la maqal, la fahmi karin”

Heemaal

M/Biixi Oo Qaabilay Wafdi Sare Oo ka Socday Koonfur Afrika.(Sawiro)

Heemaall

Shaqaalaha Heemaal Oo Tacsi U Diraya Qoyskii Uu Ka Baxay Caateeye Axamad Duhur.

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More