Itoobiya Oo Dacwad ku soo Oogtay Kumanaan Qof Oo lala Xiriiriyay Rabshadihii Adis-ababa.

Xeer ilaaliyaha Guud ee dalka Itoobiya ayaa sheegay inuu dacwad ku soo oogay dad ka badan 5,700 qof oo lala xiriiriyey rabshadihi dalkaasi Itoobiya ka dhacay ee ka dhashay dilki loo geystay fannaanki la dilay Hachaalu Hundheesaa.

Xeer Ilaaliyuhu wuxuu sheegay fal-dambiyeedyadi dalka Itoobiya ka dhacay wixi ka dambeeyey marki la dilay fannaanki caanka ahaa Hachaaluu Hundheesaa baaritaanki uu ku waday inuu haatan soo gabagabeeyey.

Xeer ilaaiyaha Guud ee dalka Itoobiya iyo Xeer Ilaaliyaha guud ee deegaanka Oromada oo shir jaraa’id oo wadajir ah qabtay waxay sheegeen 5,728-ka qof in lagu soo oogay dacwad ah iney dalka ka abuuri rabeen dagaal sokeeye.

Ku Xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee dalka Itoobiya Fiqaadu Tsegga wuxuu sheegay baaritaanka kiiska xubnahan dacwadda lagu soo oogay iney ka qayb qaateen Xeer Ilaaliyaha guud ee Federaalka, Xeer ilaaliyaha guud ee deegaanka Oromada, Booliska federaalka iyo Booliska Dowlad Deegaanka Oromiya.

Dadkaasi dacwadda lagu soo ogayna xeer ilaaliyuhu wuxuu u kala qaaday 3,377 oo ka mid ah iney kiiskooda dowladda dhexe gacanta ku hayso halka 2,351 qofna kiiskooda uu gacanta ku hayo deegaanka Oromiya.

“Waxaana xubnahaasi laga diyaariyey 114 kiis uu Xeer ilaaliyaha guud ee Federaalka Gacanta ku hayo iyo 374 deegaanka Oromiya gacanta ku hayso” ayuu yiri ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee dalka Itoobiya Fiqaadu Tsegga

Xeer ilaaliyaha guud ee Federaalka Itoobiya Gediyon Timotiyos wuxuu isna sheegay dadka lala xiriiriyey rabshadihi ka dhashay dilki loo geystay Fannaan Hachaaluu Hundheesaa dhageysiga dacwaddooda iney billaabmeyso toddobaadka soo socda.

Dhinaca kale xarigga ay dowladda Itoobiya u geysatay dadkaasi faraha badan kooxaha dhaliila waxay xariggaasi ku timaameen xarig wadareed iyaga oo sheegay dadka falkaasi looga shakisan yahay inay tiradoodu aad u yar tahay. balse ay dowladdu dad aad u badan xirxirtay.

Xubnaha ay dowladda Itoobiya gacanta ku hayso ee dhageysiga dacwaddoodda la billaabayo waxaa ka mid ah ayuu yiri xeer ilaaliyuhu, siyaasyiin balse siyaasiyiintaasi aan loo qaban aragtida siyaasadeed ee ay aaminsan yahay balse loo qabtay qalalaasihi dalka Itoobiya ka dhacay doorki ay ku lahaayeen.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Fedraalka wuxuu intaasi ku daray dadka dhacdadaasi looga shakisanaa ee ay dowladda qabatay oo aad u badnaa iyo fal dambiyeedka dhacay oo aad u ballaadhnaa awgii iney baaritaanka ay muddo dheer ku qaadatay.

Rabshadihi ka dhacay deegaanka Oromada ee ka dhashay dilki loo geystay fannaanka Hachaaluu Hundheesaa waxaa ku dhintay 167 qof halka ay ku dhaawacmeen dad gaaraya 360 qof, waxaana ku burburtay hanti lagu qayaaso 150 malyan oo doolar.
Xigasho BBC

Related posts

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

Xukuumada Biixi Oo Markii Ugu Horaysay ka Hadashay Dil Iyo Kufsi Burco Loogu Gaystay Hooyo Ugbad.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy