Heemaal News Network

Itoobiya Oo Diiday In Ergayda Midawga Africa Booqdaan Gobolka Tigrey.

Dowladda Itoobiya ayaa kasoo horjeesatay in Ergada gaarka ah ee Midowga Afrika uu usoo magacaabay inay dhexdhexdiyaan dowladda iyo TPLF, ay booqdaan gobolka Tigray, sida uu sheegay la taliyaha Abiy Axmed Mamo Mihretu.

Madaxweynaha Midowga Afrika, Cyril Ramaphosa ayaa Jimcihii usoo magacaabay madaxweynihii hore ee Mozambique Joaquim Chissano, madaxweynihii hore ee Liberia Ellen Johnson-Sirleaf iyo madaxweyniii hore ee Koonfur Afrika Kgalema Motlanthe si ay u dhexdhexdiyaan labada dhinac.

La taliyaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ergadan ay la kulmi doonaan oo kali ah Abiy Axmed.

“Waxaan filayaa in walaalaheen Afrika kaalin ka qaadan doonaan sidii cadaadis loogu saari lahaa TPLF inay isa soo dhiibaan”

Afyayeenka ayaa intaasi ku daray in Ra’iisul Wasaaraha uu ergadan uu uga warbixin doono howlgalka militeri ee ka socda Tigray.

Related posts

Jeneral Xaftar Oo Ku Hanjabay In Uu Beegsanayo Ciidamada Turkiga

Heemaal

Faahfaahinta Xariga Musharax Dhuxulow Ee Hargaysa Loogu Gaystay.(Akhriso)

Heemaall

Muslim Pro Oo Lagu Eedeeyey in Xogta Dadka Isticmaala Uu ka Iibiyey Ciidanka Mareykanka

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More