Heemaal News Network

Itoobiya Oo Fashilisay Weerar Lala Damacsanaa Safaarada Imaaraadka Ee Adis Ababa.

Ciidamada Sirdoonka dowlada Itoobiya ayaa fashiliyay weerar la sheegay in koox argagaxiso ah abaabulayeen in ay ku qaadaan Safaarada dowlada Imaaraadka ku leedahay magaalada Adis Ababa.

Wakaaladda wararka ee dalka Itoobiya ayaa shaacisay in Sirdoonka kahor tageen kooxda abaabulaysa weerarka lala damacsanaa safaarada Imaaraadka ayna xireen 15 qof oo weerarkaasi wax ka maleegayay.

Ciidamada sirdoonka Itoobiya ayaa sidoo kale la sheegay in ay gacanta ku dhigeen waxyaabaha qarxa ay adeegsan lahaayeen kooxda weerarka abaaushay iyo dukumiintiyo kale ay kooxdaasi heesatay.

Bayaanka kasoo baxay Sirdoonka Itoobiya ayaa sidoo kale lagu sheeagy in Koox labaad oo laga shakisan yahay in iyana maleegayeen weerar lagu qaado diblomaasiyiinta Imaaraadka Carabta ee ku sugan dalka Sudan.

Sida lagu sheegay Bayaanka sirdoonka Itoobiya oo kaashanaya dhigooda dalka Sudan ay u suuragashay inay burburiyaan shabakad kooxa argagixiso ah isla markaana ay fashiliyeen weeraro lagu qaadi rabay safaarada Imaaraadka ay ku leeyihiin dalka Sudan.

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaan wali ka hadlin weeraradan la qorsheeyay in lagu qaado diblumaasiyiintooda ku sugan dalalka Itoobiya iyo Sudan, waxaana hada sare loo qaaday amaanka safaaradaha Imaaradaka ku leedahay dalalkaasi.

Related posts

Muddo Kordhin Hor Leh Oo loo sameeyey Ciidamada Japan Ee ka Howl-gala Biyaha Somalia.

Heemaall

Ciidanka Galmudug Oo Hirshabeele Xoog kaga la Wareegay Amniga Degmada Matabaan.

Heemaall

Dawlada Fedralka Iyo Beesha Caalamka Oo Maanta Ka Shiraysa Hawlaha Doorashada

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More