Heemaal News Network

Itoobiya Oo Jawaab Adag ka Bixisay Warbixin Ilhaan Cumar ku Eedeysay

Danjiraha Itoobiya u fadhiya magaalada Washington ee dalka Maraykanka, Fitsum Arega, ayaa jawaab adag ka bixiyay warbixin ka soo baxday xafiiska Ilhaan Cumar, waxuuna warqad uu toos ugu diray ku daadifeeyey arimahaa ay ku eedeysay Itoobiya.

Safiirka ayaa sidoo kale sheegay in uu diyaar u yahay inuu si fool ka fool ah ula kulmo qudheeda oo uu u faahfaahiyo goor alla goorta ay diyaarka u tahay xaaladda Itoobiya ka taagan ee ay ka hadashay.

“Waxaan jecelahay in aan kuu xaqiijiyo in aanay jirin wax walaac keeni karaa. In aad si dhexdhexaad ah oo ujeedo saxan leh u qiimayso xaqiiqada jirtaa waxay kaa shaafiyi karta welwelka aad qabto oo waxay kuu suurto gelinaysaa in aad si dheeli tiran u fahamto xaaladda dhabta ah ee arimaha aad carrabka ku dhufatay” ayuu ku yidhi warqadda uu u diray.

“Xukuumadda Itoobiya way ku gawracan tahay xeerarka iyo axdiyada sharciga caalamiga ah ee dhigaya in maxaabiista oo dhan loola dhaqmo si tixgelin leh oo aan dhaawacayn sharaftooda. Sidaa awgeed, Xukuumadda Itoobiya waxa ka go’an in ay gudato waajibaadkaa saaran oo ay suurto geliso in ay maxaabiistu helaan daryeel caafimaad oo la mid ah ka ay muwaadiniinta dalku helaan, iyo sidoo kale in adeegga caafimaad ee ay u baahan yihiin si bilaa lacag ah loogu fidiyo iyada oo aan lagu kala takoorayn sifo sharci [oo ah in muwaadiniinta qaarkood maxaabiis yihiin iyo in kale]. Hadaan ka hadlo maxaabiista aad magac dhawday, dhamaantood waxay daryeel caafimaad ka helaan Isbitaalada Itoobiya ka ugu wanaagsan oo la yidhaa Tor Hailoch oo ah mid loo yagleelay si uu adeegga caafimaad ugu fidiyo ciidamada qalabka sida ee Itoobiya. Maxaabiista sida la sheegay cuntada ka soomay haatan way joojiyeen cunto ka soomiddii, intoodii u baahnayd daryeel caafimaadna waa loo fidiyey oo haatan caafimaadkoodu wuu fiican yahay” ayuu ku yidhi safiirku warqadda jawaabta ah ee uu u diray xildhibaan Ilhaan.

Sikastaba ha noqotee Colaadda Gobolka tigray ayaa weli taagan inkastoo dowladda Itoobiya ay sheegtay in ay qabsatay magaala madaxda gobolka ee Mekelle. Dagaalkaas waxaa ka dhashay qasaare naf iyo maalba leh. Gulufkaan oo dhaxeeya dowladda Federaalka ah ee Itoobiya iyo xoogagga TPLF waxaa ku barakacay kummanaan shacb ah, kuwaas oo gaaray Suudaan.

Halkan ka Akhriso Warbixinta ay soo saartay Ilhaan Cumar:
Ilhaan Cumar oo ka tirsan guddida arrimaha dibadda ee Congress-ka Maraykanka ayaa warbixin ka soo saartay xiisadda siyaasadeed ee dalka Itoobiya haatan ka taagan.

Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa ka mid ahayd xubno ka tirsan gudidaas oo dhawaan socdaal ku tagay dalka Itoobiya, waxaana ay sheegtay inay aad uga walaacsan tahay xaaladda maxaabiista siyaasadeed ee Oromada

Xukuumadda Itoobiya ayey fartay maxaabiista ula dhaqantao si waafaqsan hanaanka caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha ee caddaaladda iyo in la ilaalinayo sharaftooda aadamenimo.

“Waxaan aad uga walaacsanahay xaaladda maxaabiista siyaasadeed ee Oromada ah ee uu ka midka yahay Bekele Gerba iyo hogaamiyeyaasha kale ee cunto joojinta ku jira. In loo diido in ay helaan daryeel caafimaad waxay xad gudub cad ku tahay xuquuqdooda aadanaha waxayna sii cakiraysaa xiisadda haatan Itoobiya ka taagan. Xukuumadda Itoobiya waa in ay maxaabiista ula dhaqantaa si waafaqsan hanaanka caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha ee caddaaladda iyo in la ilaalinayo sharaftooda aadamenimo” ayay ku tidhi warbixin xafiiskeeda la soo baxday.

Waxa kale oo warbixintaa ay soo saartay xildhibaan Ilhaan Cumar ay kaga hadashay xaaladda ka taagan gobolka Tigray ee ay dagaalladu ka socdaan, waxaanay carrabka ku dhuftay in colaadda ka socota gobolkaasi dhalisay duruufo aadamenimo oo masiibo noqday oo ay sheegtay in sida qiyaasaha qaarkood tibaaxayaan ay boqolaal kun oo qof macaluul qarka u saaran yihiin.

Related posts

Imaaraadka Oo Xayiraad Dhinaca Socdaalka kusoo Rogtay 13 Dal Oo ay ku Jirto Somaliya

Heemaall

Xukuumada Biixi Oo Beenisay Xogta Covid-19 Ee Somaliya Ka Sheegtay Somaliland.

Heemaall

Waxqabadkii Uu Balan-qaaday Mayirka Borama 2020kii Ee Fashilmay.(Daawo)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More