Heemaal News Network

Itoobiya Oo ka Hortimid In Dagaal Sokeeye Loogu Yeero Colaada Gobolka Tigrey.

Dawlada Itoobiya ayaa si adag uga hortimid in dagaal sokeeye loogu yeero weerarka xukuukada Abiy ku qaaday gobolka Tigrey.

Wasiirka arrimaha dimuqraadiyadda ee dalka Itoobiya, Zadig Abraha ayaa sheegay in dagaallo sokeeye aysan ka socon gobolka Tigray halkaas uu haatan ka socdo dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda federaalka iyo xoggaga TPLF.

Wasiirka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in dagaalkan uun ku fidi doono gobolka, isagoo arimahaasi ka hadlaya ayaa yiri. “Shacabka Tigray nalama dagaallamayaan, waxay ku hoos nool yihiin maamulka militeriga ee kaligii taliska ah ee TPLF, waa sababta aan u leenahay waxan ma ahan dagaallo sokeeye, waxaa arrin laga naxo in shacabka la barakiciyo isla markaana lagu qasbo inay u qaxaan dhinaca Suudaan, waa tallaabo ay TPLF ku dooneyso inay kusoo jiidato indhaha caalamka ee ku saabsan dagaalka” ayuu yiri wasiirka.

Arrintani ayaa waxay kusoo beegmeysaa xilli madaxda geeska Afriga ay ku kala qaybsan tahay dagaalka gobolka Tegrey, waxaana in wadahadal lagu dhameeyo colaada ku taliyay madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni iyo madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, halka madaxwayne Geelaha Jabuuti uu si cad ugu taageeray dagaalka dawlada Itoobiya.

Related posts

Golaha Wasiirada Oo Sharuudo kasoo Saaray ka Qayb-galka Doorashada Somaliland..

Heemaall

Ex Wasiir Xaglotiisiye Oo Ka Hadlay Dil Dhawaan Ka Dhacay Buuhoodle.

Heemaall

Jubbaland Oo War kasoo Saartay Kulankii Dhax-maray Axmed Madoobe iyo Q/M.(Sawiaro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More