Heemaal News Network
somali

Itoobiya Oo Kordhisay Waqtiga Diwaan-galinta Codbixiyayaasha.

Sida uu shaaciyay Komishinka doorashooyinka ee Itoobiya waxaa labo toddobaad lagu daray wakhtigii loogu talagalay diwaangelinta codbixiyeyaasha.

Komishinka ayaa sheegay in qaybo kamid ah ay u muuqatay mid dib u dhac ka jiray dhinaca furidda xarumaha qaar ee diwaangalinta codbixiyeyaasha.

Dhinaca kale degaannada Soomaalida iyo Canfarta oo ka mid ah goobaha uu dib u dhacu ka jiray ayaa iyaga si gaar ah loogu kordhiyay saddex toddobaad inay kusocoto hawlaha diiwaan galinta codbixiyeyaasha.

Guud ahaan dalka Itoobiya ayaa la filayaa inay dhawaan ka dhacdo doorasho loo dhan yahay, inkastoo dadka falanqeeya siyaasadda ay ka dayrinayaan siday u qabsoomayso doorashadan, iyadoo dalka qaybo kamid ahi colaado ka jiraan.

Related posts

Cabdi Xaashi Oo ku Gacan Seyray Dhex-dhexaadintii Rooble Soona Saaray Digniin 3 Qodob ka Kooban.(Akhriso)

Heemaall

CC.Shakuur Oo Hogaamiye Kooxeedyo Danbiilayaal ah ku Tilmaamay Farmaayo Iyo Fahad Yaasiin.

Heemaall

Xisbiyada Somaliland Oo Wada-jir Ugu Digay Musharaxiinta ku Tartamayay Doorashada.

Heemaall